Udgoonka Leydha,
saxansaxada iyo reexaanta qabow ee roob labadii habeen ee u dambeeyayba miray deegaanka,
ayaan ku baraarugay, sababtoo ah, waxaan ku mashquulsanaa ururinta iyo habaynta
wixii aan agab sitay ee u-gaar ah shaqadayda, maxaa yeelay wakhti uma helin
hormayntooda. Sanqadha sida dhagax la tuuray iyada oo maguugan dhegahayga soo
gaadhaysay ee ay samaynayeen baabuurta Jidka ku waydaaranaysay Gaadhigaan
saarnaa, ayaa iyana qayb ka ahaa baraaruggayga. Waa jidka sidii Ul la dhigay
dhulka u fidsan ee dhereran inta u dhaxaysa Gabiley iyo Hargeisa.
Jabaqda Caleemaha Hadhuudhka iyo Galleyda cagaaran ee jidka dhinac teedsani, waxay astaan u ahaayeen in degalkaasi ka bed-qabo amuuraha dhacay. Wuxuu ahaa socdaal ku yimi baahi-shaqeed oo kedis ah. Waa subaxnimo Khamiiseed, 21 July 2011, abbaaro 10:25am barqanimo. Waxaanu dhaqaaqaasi bar-bilow u ahaa socdaal qaatay muddadii u dhaxaysay 21 ilaa 28 July 2011.
Jabaqda Caleemaha Hadhuudhka iyo Galleyda cagaaran ee jidka dhinac teedsani, waxay astaan u ahaayeen in degalkaasi ka bed-qabo amuuraha dhacay. Wuxuu ahaa socdaal ku yimi baahi-shaqeed oo kedis ah. Waa subaxnimo Khamiiseed, 21 July 2011, abbaaro 10:25am barqanimo. Waxaanu dhaqaaqaasi bar-bilow u ahaa socdaal qaatay muddadii u dhaxaysay 21 ilaa 28 July 2011.
Abaarso iyo
Arabsiyo waa deeggaanno ay qasban tahay in loo sii maro Gabiley, masaafo
ahaanna 16km iyo 32km u kala jira Hargeisa, siday u kala horreeyaan. Walow aanu
cagaarku ku dhamayn deegaanka, haddana way u aragti wacnaayeen deegaannadaasi
wakhtigan la joogo. Masaafo afar km ku qiyaasan ayaan ka gaadhay astaanta
tilmaamaysa in aad Gabiley galayso, kagana duwan tahay magaalooyinka kale – Waa
Geedaha sidii dad soo-dhawayn u diyaar ah u safan waddooyinka dhinacooda ee la
beeray. Inkasta oo aan ka mid ahaa dadka aaminsan in Geedahaasi yihiin kuwo ay
beeraan lammaane kasta oo magaalada iska guursada, haddana, taasi waxay noqotay
ma-jirto fakatay, jirto (run) ma gaadho! “Waa war layska baahiyay uun oo dadka
qaarkood iska sheegeene, dhirtan waxa beera Maayaradda magaalada, Duq kasta oo
magaalada maamulkeeda qabtaana, geed iyo lababa wuu beeraa,” waa weedho ay
arrintaa ku sifaynaysay Khadra Xaaji Geydh oo ah Maayarka Gabiley, kuna suntan
Haweenaydii u horraysay ee Maayar ka noqota magaalo Somaliland ah oo aan
xafiiskeeda kula kulmay. Markii hore Duqa magaalada ayaa la odhan jiray Maayarka
magaalada, haddase maxaa la odhanayaa!!
Waxa u badan ee
aan ka eegayay deegaannada aan marayay waxay ahayd dhinaca saamaynta dad iyo
duunyo ee abaaraha. Sababtoo ah, waxa socdaalkaygani ku beegmay wakhti salowga
abaarta Geeska Afrika iyo susumka dadyow baro-kacay ay ku badnaayeen dhegaha
iyo indhaha Caalamka. Wakhti aan ku qaatayba, hawshii aan magaalada uga socday
ka qabsaday. Sababtoo ah, wakhti qorshaysan ayaan joogayay, maxaa yeelay
shaqada aan u socday (BBC World service Trust) ayaa suntanayd. Maadaama guud
ahaan Gobolku caan ku yahay Beerashada, dhibta ugu badan ee mandaqada ka
taaganina ay tahay Roob-laáan iyo Abaaro, haddana sidaan filayay uma muuqan
deegaanku, laba arrimoodba; Raxmaadka Alle oo daáy iyo Dadweynaha oo u
gunti-xidhay Beero-falasho aan il kale laysku hallaynin.
Qaybta 2aad: Waxay kulmisaa saddex astaamood!
Inkasta oo
markii aan ka baxay Gabiley, ay I hareera yaacayeen Dhirta cagaaran iyo beeraha
hormaysani, haddana waxa jewi ka duwan kii hore aanu galnay markaanu gaadhnay
Deegaanka Kala-baydh ee Galbeedka Gabiley. Waa goor fiid-cawl ah, cadceedda
intii ay la soo jeeddayna waxa qariyay daruuro u muuqday inay isugu
yeedhanayaan sidii ay Roob u curin lahaayeen. Waxa geedaha lulaya Foore aad
mooddo inay baratan kaga soo dheeraysay dhibicda Roobka. Deegaanka Kala-baydh iyo
Degmada Dila inta u dhaxaysay oo aanu u kala soconay muddo 20 daqiiqo ah, waxa
aan naga hadhin sanqadha Galka biyaha ah ee jidka fadhiya ee Taayirka Gaadhigu
kala jeexayo iyo daruuraha xawaaraha ku socda ee marba-marka ka dambaysa soo
dhawaanaya. Goor ku siman wakhti caadiyan markaanay Daruurtu jirin ay cadceeddu
god-gasho, ayuu nagu bilowday Roob. Balse, ma hakin socodkayagii. Waxa laga
yaabaa in aad is-weydiisaan cidda igu lammaan ee aan isku jamcinayo – Waxa
socdaalka igu wehelinayay tiro kooban oo dad ah oo gaadhi-wadaag aanu ahayn. Walow aanay suurtogal ahayn in qumaati looga eegmada
bogto deegaanka iyo muuqaalkiisa oo xoogga dhibica Roobku diidayay taas,
haddana himbiriirsi ahaan, deegaanku wuxuu ahaa mid wakhtiyadaasba roobbanaa, wax
hore u-soo-marayba, ka nabad-galay abaaraha baahay. Faallo iyo suurayn kale
toona uma baahna in abaari hayso halka Roob ka daáy iyo in kale. Waxase
ujeeddadu tahay in la sawiro in ilaa Borama uu is-haystay Roobkaasi.
Waa fiidnimo,
dhalaalka Biyaha ee jidadka ka muuqda iyo walwalka qabow ee sida goos-gooska ah
u dhacaya, ayaa marag u ahaa in Roob xooggani ku itaalsaday magaalada. Markii
aan Gaadhiga ka degayba, waxa I sigay Gaadiid yar oo aan guux badnayn, Alleenkeeduna
(Hoonka) aanu xoogganayn, isla markaana aan dan ka galayn Jid iyo jid-laáan ee
iyadu halkii ay mari kartaba marta, waa Gaadiidka Tik ama Bajaaj loogu yeedho
oo magaalada ku badan. Waxay u muuqataa inay bedeshay inta badan Basaskii isaga
gooshi jiray Magaalada dhexdeeda, inkasta oo ay iyaga laf ahaantoodu wali
shaqeeyaan. Waxay qaaddaa saddex qof iyo wadaha, kama daasho inay isaga gooshto
meel kasta oo magaalada dhexdeeda ah oo gaadiidka ka itaalka-rooni mari karo. Waxay
u tiro badan yihiin oo ay isu-weydaaranayaan sida dadka, habeennimo hadday
tahayna, waxaad arkaysaa Il ama Leydh wayn oo dhexda ku beegan iyo laba Ilood
(Nal) oo yaryar oo hareeraha ka baxaya. Waa astaanta habeenimmo ee markay kaa
hor timaaddo aad ku garan karto in ay tahay gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo
yaqaano.
Magaalada iyo
deegaannada ku dhawi waxay nimcada Raxmaadka la qabaan deegaannada kale ee
Gabiley u horrayso. Maalmahaas ayaa la sii hadal-hayay laba qof oo uu Danab ku
dilay deegaankaas, sababtoo ah, waxa si xidhiidh ah u dayay Roob dhibco-weyn oo
dad iyo duunyaba maasheeyay. Magaalada halkaad istaagto ee aad u hollato inaad
wax ka iibsataba, waxa wakhti kaa gelayaa in aad xaqiijiso nooca lacagta aad
wax ku doonayso iyo inaad wax ku iibsato. Sababtoo ah, magaalada Borama waxay
kulmisaa saddex astaamood, waa Lacagaha; Shilinka Somaliland, Birta (Riyaalka)
Itoobiya iyo Lacagta Dollarka Maraykanka. Waxase badan inta wax lagu iibsado
Birta iyo Shilinka Somaliland. Dadka u
muuqda inay ujeeddo-laáan makhaayadaha u fadhiyaan uma badna sida magaalooyinka
kale ee dalka, wayse la wadaagaan camal-laáanta baahsan. Magaalada way ka
muuqataa astaanta ay wadaagaan deegaannada Soomaalidu ee iibinta Geedka Qaadka,
maxaa yeelay, waxaabay deris la tahay oo xuduudkeeda ay ku gudban tahay
Itoobiya oo ah halka laga keeno Qaadka Somaliland soo gala. Taas waxa
maraggeeda xoojinaya, goob kasta iyo goor kastaba waa lagu iibinayaa Geedkaas.
Qaybta 3aad: WAXAANU KU GUDAYNAY HILLAAC!
Borama Ganacsigu
wuu socdaa, danyartuse waxay cabashada la qabaan bulshada kale ee Somaliland, “Raashinkii
daruuriga ahaa ayaaba noogu daran oo qaali ah, Shidaalkiina iska dhaaf
hadalkooda, waxaanu arrinta shidaalka kaga roonnahay gaadiidka yaryar ee
Bajaajta,” waxa tidhi Hooyo wakhtigaa u muuqatay inay u xiiqsanayd xarbiga
danyartu kula jirto nolosha. Waxayse bulshadu helaan Biyaha la cabbo, cabashada
arrintaa la xidhiidhaana, inkasta oo ay jirto, haddana intaan u kuur-galay,
cabashadaasi ma badna.
Ujeeddada socdaalkaygu
sidaan horeba u tibaaxay, waxa uu ku sal-lahaa inaan soo maro Deegaanno taxan
ilaa Xadka Somaliland la wadaagto Jabuuti ee Lawyacaddo. Waxaan warsaday habkee,
halkee iyo hadma ayaan wajahi karaa socdaalkaygaas. Waxa lay sheegay in aan
laba dhaqaaqin oo aan safarba la gelin goor hadh-cad ah, isla markaana gadiidka
oo dhan la hadhsado, balse habeenimo iyo galabnimo gaaban safarka la galo.
Sababtoo ah, wakhtiyada safarkaygu ku beegmay, kulaylka iyo hanfiga xagaaga
ayaan suurtogalinayn in dhul xeeb ah la safro. Waxaanu u illanay safar dheraran
300km oo u dhiganta 700km, rafka iyo waddo-xumada awgeed. Diyaar-garowga
safarka dhererkaa leh awgeed, waxaanu ka amba-baxnay magaalada Borama 20:30pm
fiidnimo (Siddeeddii iyo badhkii, saacadda afrikada bari).
Markaanu soconay
muddo koobanba, ma muuqan waxaan ka ahayn Iftiinka Gaadhi naga hor imanayay ama
mid na daba-socday oo ka mid ah mawjadda Gaadiidka ah ee sida hirarka isu-daba
socda, sababtoo ah, marxaladda in habeenimo la socdaalaa waa shuruucda
socdaalka dhulkan xeebaha ah. Intaa Gaadhigu wuxuu jibaaxayaa Jaf, Dhagax, Buur
iyo raf keenay in gaadhigu luudo sidii qof buka. Saacaddu markay ahayd, 22:35pm
(Tobankii iyo soddon iyo shan daqiiqo ee habeenimo), waxaanu joogsanay deegaanka
Qol-u-jeed. Nasasho iyo hubin la xidhiidha Gaadhiga ka dib, halkii baanu ka
amba-qaadnay socdaalkii. Sheekada dadka gaadhiga saaran iyo wadaagga khibrad
ama waayo-aragnimo qof kasta ta uu u soo taagnaa, waxay dhextaal u tahay
socdaalkan, waxaanay daal-bogsiin u tahay dhererka saacadaha badan ee fadhiga
iyo safarka lagu qaadanayo. Waxa weheliya oo raaca Roob hillaaciisa iyo
Onkodkiisu aad mooddo inay ku hirdamayaan Daruuraha dhexdooda. Waxaanu ku
gudaynay waa hillaac marka uu bilig yidhaahdo sababaya in ilbidhiqsiyo uu
indhahaaga ratiinahooda ku sii sawirnaado oo uu daboolo muuqaallada kale ee
indhuhu arki lahaayeen. Waa gudcur dam ah, lama arkayn waxaan ka ahayn inta
gaadhiga hortiisa ah ee uu iftiinka Baaburku ileynayo iyo humaagga deegaanka
aanu dhex maraynay ee hillaacu bidhaaminayay.
QAYBTA 4-AAD - (Dagaalka
waa lagaga guulaystay Wadaha)
Saacad ku beegan
12:30am (Laba iyo tobankii habeennimo), ayaanu gaadhnay degmada Boon. Iyada oo wakhtiga
aanu gaadhnay uu ka dambeeyay wakhtigii aanu soo marnay Qol-u-jeed, haddana
waxaanu ka helnay kaabayaasha lagama maarmaanka u ah socdaalka iyo guud ahaan
nolosha ee cunto iyo cabidba leh. Waxa ka taagan laba Taawar (Birood) oo
dhaadheer, waxa lay sheegay inay kala leeyihiin laba Shirkadood oo kuwa
Isgaadhsiinta ah, kuwaas oo aan midkood tabbeelaha magacoodu ku qoran yahay aan
ku arkayay Iftiinka gaadhiga, sababtoo ah, korontadii u iftiimisay guryihii
aanu ku beeganay ee makhaayaduhuna ahaayeen, markii aanu sidaa isu-taagnay,
ayaa la bakhtiiyay, waayo waxa la gaadhay wakhtigii la bakhtiinayay – sida lay
sheegay. Caanaha iyo Shaaha lagu caddeeyay caano-xoolaad oo inta badan
magaalooyinka aan ku soo dhawaan (Waxa lagu bedelay caano qasaac –Milk Powder),
ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu jebiyay daalkii safarka. Biyuhuse waa adag
yihiin oo inta la qabsatay biyo macaan, way ku adag tahay in ay jidiinka
mariyaan. Khadka Telefoonka ee alleenka gacanta (Mobile Phone) waa la helayaa,
balse joogto maaha oo wakhtiyada qaar ayuu baxayaa.
Muddo nasasho ah
ka dib, amba-qaadnay mar kale safarkii. Markan dadku waxay u qaybsan yihiin in
hurudda oo gama’day, in lulloonaysa oo indhaha kala celinaysa iyo in soo
mutaxan oo soo jeedda, isla markaana wadaha gaadhiga la wadaagaysa dhufashada
iyo sabaalada gaadhiga. Gaadhiga laf ahaantiisa ayaa sabaalo u baahnaa oo u
muuqday inuu ka soo maagayo dhagaxa iyo qarfaha jidka oo daran awgeed. Waxaanu marnay
tuulada Fadhi-xun, waxaananu markii dambe goor ku siman 04:55am (afartii
subaxnimo) gaadhnay tuulada Geerisa. Saddexdan
deegaan waa deegaanno xuddun u ah hakashada safar kasta oo isaga gooshaya
Borama ilaa Lawyacaddo. Waxa mara safarada Borama ilaa Jabuuti. Nus-saace ka
dib, ayaanu halkaa ka jarmaadnay. Maxaase xigay?
Waxaanu ka
dhaqaaqnay 05:30am (Shantii iyo badhkii subaxnimo). In muddo ah markii aanu
soconay, waxaanu galnay Saxare iyo lama-degaan u eke. Wuxuu dhereran yahay
masaafo dheer, ma jiro noole ay kuu suurtogalaysa in aad aragto, sababtoo ah, dabaysha
ciidda huwan ee dhacaysa ayaa sababtay in aanu xitaa arki wayno masaafo toban
tallaabo noo jirta. Mana jirto nolol ka hirgeli kartaa, dhagax buurbuuran oo
kuwa xeebta ah waxaan ahayn kuma arkaysid. Ciidda dabayshu waddo ee Gaadhiga ku
dhacaysa, ayaa samaynaysa dhawaq u eg in qof garaacayo. Mar kaliya ayuu
gaadhigii aanu saarnayn galay Ciiddii saxaraha. Inkasta oo aanu markii horeba
koobnayn, haddana way yar tahay intayada bogatay hurdo amaba seexatay, taasise
caqabad kumay noqon in aanu Gaadhigii ka saarno Ciidda halkii uu ka galay,
walow ay dhereran tahay inta ishu ku libidho. Dagaalka ka dhex socda Shookaanta
(Isteerinka) gaadhiga iyo gacmaha wadaha ee uu ku-doonayo in uu ciidda kaga
saaro xawaare, ayaa mararka qaar I soo gaadhayay, maxaa yeelay waxaan fadhiyay
kursiga hore. Wakhtiyada qaar ayaa lagu kala adkaadaa dagaalkaas oo uu waduhu
guul-darraystaa, natiijaduna noqotaa in uu Gaadhigu fadhiisto ciidda dhexdeeda.
Balse, kuma sii raago ee haddana waanu dhaqaaqnaa. Iyada oo wadaha, intayadii
kale iyo Gaadhiga laf ahaantiisuba aananu wax tamar ahi nagu hadhin, ayaanu
gaadhnay deegaanka Ceel-gaal abbaaro 07:05am (toddobadii aroornimo). “Inaga oo
qudha maaha ee gaadhi kasta oo meesha mara iyo waduhu sidaas ayay isula
kadeedan yihiin, aakhirkase waa laga baxaa, sababtoo ah, waa lala qabsaday,”
ayuu dadkii gaadhiga saarnaa niyadda ugu dhisayaa Wadaha Baabuurka oo afkiisa
ay ka muuqato harraadka iyo diifta dagaalka uu la galay birtu.
QAYBTA 5-AAD - (Inta u
dhaxaysa labada Caddo)
Ceel-gaal waa
degmo u dhaxaysa doox ciid badan oo ballaadhan iyo ban saxare-u-eke ah. Waa
tuulo ay daruuri tahay inay maraan safarada anaga oo kale ah ee ku socda halka
aanu u jeedno ee Lawyacaddo, Zeylac ilaa Jabuuti. Hase ahaatee, dadka mara iyo
kuwa ku dhaqaniba way la kadeedan yihiin dabeecadda iyo cimilada deegaankaas. Kama
war qabno jabka deegaankan yaala iyo in inta Ilaahay ka bixinayaa dhayal kaga
baxdo, balse aqoon-darro iyo gargaar alle tii ay ahaydba, dagaal baán oo wali
ka dhex aloosnaa wadaha baabuurka iyo gaadhiga laftiisa ka dib, waanu ka baxnay
deegaankaas. Markanse waxa dirirta ku guulaystay wadaha gaadhiga. Mar kaliya
mooyaane, ma jirin mar kale oo uu ciidda galay. Abbaaro 08:20am (siddeeddii iyo
labaatan daqiiqo ee aroornimo), ayaanu gaadhnay deegaanka Caasha-Caddo oo ka
mid ah silsiladda deegaannada ee jid-wadaagta iyo dabeecad-wadaagtaba ah ee
safaradu maraan. Markaanu halkaa ka gudubnay abbaaro 9:20 barqanimo, waxay u
muuqatay in ay deegaan ahaan Ciiddii tamuuxa ahayd iyo siigadii ciid-xambaarka
ahayd soo yaraanayso. Balse, ma sii ahaanin sidii jewigu markaa u degannaa.
Waa bar-bilowga
deegaan ay ka muuqato astaamo muujinaya abaaraha ku baahay Geeska Afrika. Lafo
ayaa soogan, ma arag kuwo dad, balse kuwo duunyo. Lafaha noocyada kala duwan ee
Xooluhu, waxay ahaayeen kuwo daadsan deegaankaas, Adhi, Ishin iyo Geel intaba. Waa
Deegaanka u dhaxeeya labada Caddo (Caasha-Caddo iyo Lawya-caddo). Inkasta oo uu
Roob raadkiisu ka muuqday, haddana wuxuu ahaa mid shuux/tiix ah oo wakhti hore
daáy oo aan ciidda in uu korka ka qooyo mooyaane, aan hoos u gelin. Waxa taa
astaan u ahayd sida halka cagtu marto ama Taayirka Gaadhiguba uu boodh iyo bus
hurday u boodayay. Waa deegaan geedo-gaab yaryar leh, balse aan u muuqaal
billayn sida deegaannadii kale ee aan soo maray. Abbaaro 10:45am
(duhur-ku-dhawaad) ayaanu gaadhnay magaalada Lawyacaddo.
Qaybtii 6aad – Magaalo bandoo la saaray!
Magaalada Lawyacaddo
wakhtigaas umay socod badnayn sida lagu yaqaano magaalooyinka xuduudaha ku
yaalla, sababtoo ah, waa maallinimo la kala hadh-galay, safaradduna waxay
bilaabmaan uun galabnimada. Dadka badankoodu waxay u muuqdeen inay ka
hadhsanayaan hanfiga iyo huurka is-huwan ee wada-jirka u halcinaya qofka aan
hadh-gelin. Inkasta oo ay bar-hubinneeddada (Kaantaroollada) iyo kastamka
magaaladuba shaqaynayay wakhtigaas, haddana waxay u ekayd inay u sii siqayeen
dhinaca rawaxaadda oo wakhtigeedu iska dhawaa.
Waa
magaalo-xuduudeed isu-socodka labada dal ee ay qaybisaa uu saaran yahay cuna-qabatayn
aan la shaacinin. 12:00 duhurnimo marka la gaadho ma jiro qof dhinacnaba u
gudba oo socoto ahi, qof ku soo beegma dhinaca Lawyacaddo ee Somaliland, wuxuu
ku qasban yahay in uu hadhsado oo uu madaxa ka soo jeediyo meheradaha ku dhaw bar-hubineedka
uu ka gudbayo, qofka dhinaca Jabuuti ka yimaaddaana, waa sidaas oo kale oo
dhinaca kale ayuu ku hakanayaa. Waxa dib loo bilaabayaa shaqada 16:00pm (Afarta
galabnimo), wakhtigaas ayuu qof kastaaba adeeggii uu u socday iyo in uu gudbo
ay u suurto-galaysaa. Wakhtigaas ka horna arki maysid dad gudbaya iyo cid
socota ah oo dhaqdhaqaaqooda la dareemayo. Hase ahaatee, wakhtigaa marka la
gaadho, ayay magaaladu dib u buuxsantaa dad iyo ganacsi. Waxa ka jirtay cabasho
ka imanaysay dadka socdaalaya ee labada dal isaga gudbaya, taas oo la
xidhiidhay dhinaca adeegayaasha xafiisyada socdaalka ee Jabuuti iyo Somaliland.
Inkasta oo ay goobtaas tageen masuuliyiin sarsare oo Wasiirro ah oo labada
dhinac ahi, haddana wali cabashadii dadku ma noqon mid hoos loo eego, “Markii
wasiiradu yimaaddeen ee ay yidhaahdeen dadka ayaa idinka cabanaya, ayaabay ka
sii dareen oo dadka socdaalayaa waxay kala kulmaan adeegayaasha xarumaha
socdaalka cadaadis badan,” sidaa waxa tidhi Haweenay ka mid ah dadka muddada
badan Lawyacaddo deganaa oo ka xaal-waramaysay duruufaha socdaal ee magaalada
Lawyacaddo, labada dhinacba.
Raggu waxay
badankoodu xidhan yihiin hu’ga fudud ee xeebaha la qaato, garanka hoosta laga
xidho iyo Macawis. Qof kastaa wuxuu ku gaashaaman yahay Weyso ama Caagad dusha
lagaga dahaadhay oo lagu tolay Maro ama shootali/Jawaan biyo-qabatin leh.
Caagadahaas waxa lagu shubtaa Biyaha qabow, sababtoo ah, haddiiba aanay
caagadda Biyaha lagu cabbayaa xijaabkaa looga dhigin hanfiga, waxaad moodaysaa
in dab lagu kariyay biyaha, markaad kulaylkooda eegto.
Qaybta 7aad: Arrin
la-yaab mudan!
Jaadka/Qaadka
waxa lagu iibinayaa Miisaan dushood, balse uma eka in uu qaad yahay. Waxa ku
duuban Jawaan dun ah ama Tuwaal wayn oo Biyo laga dhergiyay oo radsan, waxa
dusha lagaga sii duubay Kartoon lay sheegay in uu Kulaylka ka hakinayo inuu
Jaadka gaadho. Magaalada Lawyacaddo, sida magaalooyinka kale ee xeebaha waxa
fadhiisin u ah caddiiro (Xadhko kursi ama sariir laga sameeyay) ama Loox oo
lagu fadhiistaa ama lagu seexdaa, sababtoo ah, xaddiga kulaylka ka jira ayaanay
birtu adkaysi u lahayn oo daxal ayaanay ka nabad-gelayn.
Inkasta oo ay
magaaladu koobsatay laba sifo oo lagu yaqaano isu-socodka iyo ganacsiga – Xeeb
iyo Xuduud. Haddana, taasi kama muuqato. Waxaan u holladay in aan makhaayad
cunto tego, si aan wax uga cuno. Haddiiba aan fadhiistay, waydiiyay waxa
yaalla, waxaan filayay in uu ii soo qaddimo astaanta lagu yaqaano magaalo
Biyaha Badda lagu qabsado adeegyada hoose ee maydhis iyo dhul-ku-rushaynba leh
– macnaha, magaalo had iyo jeer dhegaysata mawjadda Badda, taas oo ah in ay ii
sheegi doonaan in Kalluun/Mallaay la cunayaa yaallo. Hase ahaatee, Hilib iyo
cuntooyinka kale ee caadiga ah, ayaa lay sheegay. Wiilkii Makhaayadda ka
shaqaynayay ayaan waydiiyay waxa helay Kalluunka, “Ma samayno, Hudheelladuna
(Makhaayadda cuntada) inta badan ma sameeyaan, sababtoo ah, magaalada laguma
cuno Kalluunka,” ayuu iigu jawaabay. Balse, waxay igu noqotay wax igu cusub oo
la-yaab mudan. Magaalo Bad leh oo xeeb ah, haddana aan Kalluun/Mallaay lagu
cunayn!! Markii aan waydiiyay sida laga yeelo Kalluunkana, wuxuu sheegay in
Jabuuti loo iib geeyo. YAAB KALE, magaalo Bad leh oo haddana Kalluun/Mallaay u
doonanaysa magaalo kale!!!!
Lawyacaddo waxa
lagaga ganacsadaa oo wax lagu kala iibsadaa laba lacagayow; Faranka Jabuuti iyo
Shilinka Somaliland, waxase ku awood badan oo wax lagu iibsadaa Lacagta Faranka
Jabuuti. Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka labada Dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti,
waxay si xorriyad leh ugu kala gudbayeen xadka. Balse, way adag tahay inay ka
gudbaan dadka aan sharciga haysan oo waxa maalmahaas maydkooda laga soo qaaday
xadka dad Itoobiyaan ah oo la sheegay in markii ay u suurtogeli wayday inay u
gudbaan Jabuuti, ka dib markii sharci-la waydiiyay, ay dooneen inay ka
wareegaan Taar adag oo qayb xadka ka mid ah dhereran, kaas oo hanfiga iyo
kulaylku ku laayay.
Qaybta 8aad: Dhibaato aan dhammaan!
Sidaan horeba u
xusnay, suurtogal maaha in maalinimo la socdaalo, sidaasi darteed, habeennimo
ayaanu bilownay socdaal aanu ugu jihaysanay dhinaca magaalada Zeylac. Inta fiidnimo
wax la arkayay, masaafada labada magaalo u dhaxaysa laf ahaanteeda kamay muuqan
bilic roobbaad, balse way roonayd. Zeylac waa magaalo qaddiimi ah, taariikhi
ah, muddo aan dhawayn la dhisay, balse haddana wali tabasho wax-qabad ka
muuqato.
Marka Saylac
laga yimaaddo ee loo socdo dhinaca Borama ama Hargeisa, waxa la sii maraa qaar
ka mid ah deegaannadii marinka u ahaa safarada, sida Caasha-caddo iyo
Ceel-gaal. Markii aanu goor habeenimo gaaban ah soo gaadhnay mid ka mid ah
tabaalooyinka ku gedaaman tuulada Ceel-gaal oo hore Ilaahay nooga badbaadshay,
ayaa gaadhigii aanu saarnayn uu badhtanka u fadhiistay oo uu ku jabay Dooxada weyn
ee Ceel-gaal. Waa doox ballaadhan oo lagu dhex amban karo, ciiddiisu waa mid
xeebeed ciid-cad ah. Talo-wadaag ka dib, waxa goáan lagu gaadhay in aanu jirin
gaadhi gurmad ah oo soo bixi kara xilligaas, lana sugayo gaadhiga habeen dambe
ka soo baxaya Jabuuti, sidaasi darteed, la tago tuulada. Waa gudcur habeenimo,
waxaanu halhaleel ugu jihaysanay dhinacii tuuladu naga xigtay. Waxaanu
bidhaansanaynay iftiin yar oo cas, kaas oo ah Nal ka baxayay figta sare ee Bir
dheer oo ay leedahay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom. Daalaa-dhac ka dib,
waxaanu soo gaadhnay tuuladii. Waxaanu ugu nimi Rakaab labaataneeyo qof
gaadhaya oo iyaga laf ahaantooda daanta kale ee magaalada oo iyana Saxare ah uu
Gaadhi kula jabay. Waa tuulo inta badan dhaqaale ahaan ku tiirsan safarada mara
iyo mararka qaar rakaabka ka soo dega Baabuurta ku jaba deegaankaas. Caagadda
biyaha ah ee yar waxa qiimaheedu taagan yahay oo lagaaga iibinayaa 6,000 SL
Shiling (Lix kun oo Somaliland Shiling ah), waxay u dhigantaa Hal Dollar, halka
qiimaha caadiga ah ee biyaha ahi uu yahay 3,000 (Saddex kun oo Somaliland
shilling ah).
Qaybta 9aad: DABA-DHOONKAA UDUB-DHEXAAD U AHAA!
Waagu markuu
beryay, ayaa qof waliba u dhaqaaqay halkii uu ka filayay makhaayad cunto, qof
waliba wixii uu helay calfay. Waxa meel halkeer ah oo aan masaafo badan jirin
ka yeedhaya oo dabayshu soo qaadaysaa dhawaaqa xoolo-jirta oo isu-baxay. Waxaan
u dhaqaaqay halkii dhawaaqu ka imanayay, tobaneeyo tallaabo markaan socday ee
aan waydaartay wixii igaga gudbanaa ee derkado iyo dhismayaal yaryar ahaaba,
waxaan helay ciddii qaylinaysay iyo wixii ay ku qaylinayeen. Waa xoolo-jir u
badan Geel-jire, Daba-dhoonku ku badan yahay, qaarkood waxay isu-weydaaranayaan
Berkad dusha ka dadan oo ay ka soo gurayaan Jirikaamo 20-litir qaad ah oo afka
laga jaray, loona sameeyay sidii weydaanta ama dawliska oo ay Biyo ka buuxaan.
Qaarkood waxay ku foogan yihiin oo ay ku fooraraan samaynta Dar biyood macmal
ah oo shiraac iyo qoryo laysa sudhay laga sameeyay. Dhinaca kalena, xoolaha
ayaa is-garbinaya oo kala riixanaya biyaha darka ay ka cabbayaan. Malaha haddii
aan Adhiga-na mar la soo dayn lahayn, Ishinkana mar, Geelana mar, waxa dhici
lahayd in Geelu ku durduriyo Ishinka, hammuunta oonka ee xoolaha ka muuqatay
awgeed. Waxaan meel hoose ka maqlay cod daciif ah oo dhawaaqaya, waxaan dhugtay
dhinicii uu ka soo baxayay, markii aan u dhaqaaqay, ayaan ogaaday in uu yahay
Berkadda gunteeda. Ma dheera oo waxa ay Berkaddu qodan tahay qof jooggii, hase
ahaatee, way ballaadhan tahay. Waa saddex nin oo markii aan u fiirsaday aan
ogaaday inay gunta ka soo darayaan biyaha oo ay soo dhiibayaan Jirkaamada
huruudda/jaallaha ah ee biyaha lagu dhurayo, si xoolaha loogu waraabiyo.
Markaan ku sii dhawaaday, ayaan arkay in biyuhu gabaabsi yihiin oo meel kubka
ama lugta hoose joogaan, taasina ay tahay sababta ay Berkadda ugu dhaceen
raggu. Waxa berkadda hareeraheeda ku wada sawiran Raadad, raad xoolo oo isugu
jira Adhi, Lo’, Dameero iyo Geel intaba iyo sidoo kale Raad dad oo iyaga laf ahaantoodu
kala dhumuc iyo dhererba wayn. Balse, wali may gaadhin wakhti la dhiiqeeyay oo
raad lagu dhabqiyay dhoobada qoyday.
Way qaybsan
yihiin oo qof waliba shaqo gaar ah, ayuu hayaa. Meel halkeer ah waxa
is-baacsanaya wiil aan ku qiyaasay 10-sanno jir iyo xayn Adhi ah. Wuxuu xidhan yahay Macawis yar oo markii ay
qoyday ku dhegtay jidhkiisa, waa mid uu gaabiyay oo uu jilbaha joojiyay. Wuxuu
illan yahay jaamo/kabo ay ka muuqato in uu meel dheer kaga soo lugeeyay, balse
siigadii ku qoyday iyaga laf ahaantooda oo ay ku dhegtay. Gacanta midig wuxuu
ku haystay ul aan qiyaastii is-idhi wuxuu ka gooyey geed aan meelahaas ka
dhawayn, markaan eegay dhererkeeda. Wuxuu la xarbiyayaa sidii uu xayntaas uga
hor joogi lahaa darka, ilaa inta kuwa kale ka baxayaan. Meel aan sidaa uga
durugsanayn waxa iyana Bud culus dameero ka mid ah nafleyda la waraabinayay ku
hortaagan hooyo shaqada dhinaceeda haysata. “Waar hooy hooy, soo maydhaan
Geela,” iyo ereyo la mid ah ayaa weheliya foodhida iyo hees-hawleedka lagu
waraabinayo xoolaha ee isu-baxday. Raggu waxay u qaybsan yihiin, in darka
macmalka ah farsamaynaysa, in Biyaha dhuraysa, in kala horaysa xoolaha intooda
waawayn ee Ishinka iyo Geela ah iyo sidoo kale in nidaaminaysa hadba inta darka
ka fusha xoolaha.
Way garteen in
aan ku cusbahay oo aanan iyaga ka tirsanayn, sababtoo ah, sidooda guntiga ma
gaabsan, Golxob iyo astaamo la mid ahina dhinaca iigamay lulnayn. “Ma waxaad
daawanaysaa sida Xoolaha loo waraabinayo,” ayuu ila soo tiigsaday mid ka mid ah
Geel-jirihii xoolaha waraabinayay, isaga oo aad mooddo in uu dhinacna iska
leeyahay, la-gaadh xoolaha tanagga biyaha ah ee uu wado. Marka uu suáasha I
waydiinayo, in badan wuxuu isu-jimbacinayay dhinaca Xoolaha uu waraabinayay ka
xigeen oo uu u sii socdaa, balse aniga kaliya hadal ayuu igu dhaafay. Intaanan
u jawaabin, ayuu iga durkay masaafo xidhiidhkayagii wada-hadal aanu ka maqli
karin, aniguna aan la tiigsaday jawaabtii, balse ima maqal sidaan u arkay. Waxa
halkaa ka ifaysay nolol ku dhisan iskaashi iyo in qof waliba bulshada kaga jiro
kaalintii uu lahaa ee wax-qabad. Caruur, Cirroole, Haween iyo Rag-ba, qof
waliba wuxuu dhiniciisa hayay waraabka xoolaha, waxaanan is-idhi, sidaas ayuun
baanay nolosha inteeda kale wada-jir ugu guusaan bulshadani.
Waxaan u
holladay in aan sawir ka qaado xoolaha, balse muddo ayaan waday waanwaanta ah
in aan sawir qaado, “Naga daa, maxaad xoolaha nooga sawiraysaa, miyaanad xoolo
waraab ku jiraba arag?” ayay si hiif leh ii waydiisay hooyadii goobta joogtay.
Inkasta oo aan isku dayay in aan ku qanciyo sawirka, haddana mar iyo laba
jeerba way iga diidday, iyada oo garab ka helaysa qaar ka mid ah Daba-dhoonkii
goobta joogay. Balse aakhirkii shiddo iyo dhib toona umay arag ee way
ogolaadeen, markaan anna kaashaday qayb kale oo Daba-dhoonka iyo Geel-jiraha
kaleba ka mid ah.
Mar kasta oo
cadceeddu kor uga soo kacdo jidahaday ka soo baxdayba, waxa soo kordhaya kulayl
iyo baxarashoon aanu ka war la’nahay intayada aan hore ugu negaanin deegaankan.
Waxa barbar-socota Siigo ka culus siigooyinka kale oo ku irmaan ciid marka ay
kugu dhacdo ku damqaysa. Ma socon karo qof aan hillaabnayn ama aan hagoognayn,
haddana ma wadan karo qofku hillaabta oo huurka iyo kulaylka ayaa u diidaya.
Balse, waa laba dantu qasabtay in qofku is-qabadsiiyo. Sida Lawyacaddo iyo
magaalooyinka kale ee xeebaha, ayaa qof waliba sitaa Caagad uu ku shaqlay ama
ku tolay maro adag ama biyo-qabatin leh, si uu biyaha ugu qaato. Waxay
maradaasi marka guudka laga qooyo ay ka hortegaysaa in biyuhu kululaadaan.
Markii ay dhaharatay ee qofka isku daya in uu hadhka uu madaxa geliyay ka baxo
uu halac-dhoomayo kulka taagan awgeed, ayaa qof waliba dhakoolay. Waxaan ka mid
ahaa dadka madaxa geliyay hadh laga sameeyay dhir dusha lagu guray oo hoosta ka
qalaalan. Cabbaar haddii aan indhaha isku hayay, waxaan ku toosay guuxa iyo
sanqadha marba marka ka dambaysa xoogaysanaysa, waxaan u qaatay Shinni iyaba ka
guuraysa kulaylkan oo geeddi ku ah goob kale, balse ma noqon. Markii aan kacay
ayaan arkay dushayda ciidda tuulan ee aad mooddo in qof igu dul guray, waxa guuxayayna
ay ahayd ciid dhegahayga ku daadanaysay oo dabayshu keentay. Ma jirin qof cunto
cunay oo naga mid ah, sababtoo ah, qof waliba wuxuu madaxa ka nabayay cadceedda
iyo kulaylka aan la malayn karin ee dhacayay, sidaasi darteed, goor ay ku siman
tahay 16:00pm (afartii galabnimo), balse wali cadceeddu kulushahay, ayaa la
kala raadsaday cunto iyo cabbid. Lama helayn biyo cabbitaan loogu oonsado oo in
la kariyay ayaad moodaysay biyaha caadiga ah ee deegaanka, hase ahaatee,
inkasta oo qiimuhu ahaa laban-laab inta caadiga ah ee qiimaha deegaannada ka
joogto cuntada iyo cabbiddu, haddana waa la helay biyo iib ah. Deegaanku wuxuu
biyaha ka helaa Ceelka loogu magac-daray ee Ceel-Gaal oo dooxa wayn ee
magaalada duleedkeeda ah dhinaca shishe kaga yaalla, kaas oo Tuunbooyin lagaga
soo qaado, taasina waxay keentay in Biyuhu markay kulayl dhaafeen ay inyar u
jirsadaan inay qiiqaan marka laga shubayo tuunbada.
Qaybta 10-aad: Maxaa ka qaldan?
Goor ku siman
fiidnimo, ayuu qof waliba bilaabay in uu naawilo gaadhigii la soo saaray
agabkii uu u baahnaa gaadhiga jabay oo laga keenayay Jabuuti, balse qof walba
indhaha ayaa ku daalay sidii loo eegayay hadba gaadhiga soo iftiima. Waxase
aakhirkii gaadhigii agabkii loo keenay oo aanu isu-diyaarinay in aanu ka kacno
nasashada rafaadka ahayd saqdii dhexe ee habeenimo. Markii gaadiidka la
fuulayay ayaa si kaftan ah dadkii nala socday uu ugu yidhi dadkii deegaanka
qaarkood, in ay deegaan adag ku nool yihiin, laakiin, waxa uu helay jawaab
la-yaab ku noqotay intayada badan, “Heeey, sidaas baanu janno badhtankeed ku jirnaa,
ee wakhtiyada qaar waad yaabi.” Salaamaad!!
Inkasta oo
markii la soo dhaqaaqay qof waliba isku dayay in uu safarka ku dul nasto oo uu
daalkii maalintaa qof walba haystay ka dego, haddana qofna ma helin nefis ilaa
la soo gaadho deegaanka Fardo-lagu-xidh oo meelo dhinaca Hargeisa ka soo xigta
aanu ugu soo galnay jewi ka qabow kii aanu ku sugnayn maalintii iyo habeenkii
ka horreeyayba. Geerisa oo aanu Fardo-lagu-xidh horteed soo dhaafnay,
Garbo-dadar, Caadda, Cali Xaydh, Agabar ilaa Daarasalaam oo duleedka Hargeisa,
waxa deegaanku u muuqday in uu ka nabdoon yahay aafaadka Abaaraha, balse ma
laáyn astaamo biyo-laáaneed iyo inay abaari saamaysay. Meelaha qaarkood waxa
nagu waydaaranayay Dameero ama Awr ay dabada ka wadaan rag ama Dumar, kuwaas oo
aan u fahmay inay biyo-dhaamis u socdaan.
Walow
deegaannadaasi ku kala duwan yihiin xaaladda baahiyeed ee adeegyada bulshada,
midda roobaad iyo raxmaadka Alle iyo sidoo kale, wax-qabadka bulshada laf
ahaanteedu qabsanayso, haddana waxay ka sinnaayeen baahida ah in ay helaan
Biyo, kuwaas oo ah baahida kaliya ee ay wadaagaan dad iyo xooloba. Xukuumadda
Somaliland ee uu hoggaaminayo Axmed-Siilaanyo, ayaa inkasta oo ay shaacisay
inay ka qayb-galayso taakulaynta dadka ku tabaalaysan ee ay masiibada
bani’daamnimo ku habsatay Soomaaliya, haddana ma jirto wax tibaax ah oo ay ka
soo saartay baahiyaha deegaannada qaarkood Xoolihii ugu le’deen ee Somaliland.
Ergayga gaarka
ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa
06 August 2011 socdaal ku yimi Somaliland, socdaalkaasi wuxuu salka ku hayay
waydiin uu u socday danjiruhu in uu xog ka helo saamaynta Abaaruhu ku yeesheen
Somaliland. Waa doorkii ay lahayd xukuumadda Somaliland inay hore u shaaciso oo
ay sheegto dadkeeda baahan iyo kuwa qarka u saaran baahidu inay gaadho. Waxay
weji-gabax ku tahay nidaamka dawladnimo in aad sugi kari waydo baahida
shacabkaaga oo caalamku ku waydiiyo baahidooda. Xitaa waxay u muuqatay in aanay
kaba war qabin dhawaaqyada is-weydaaranaya ee Caalamka, gaar ahaan dalalka la
deriska ah Somaliland ee lagu sheegayo abaarta dad iyo duunyaba gaabisay.
Waxayse isweydiintu tahay, haddiiba Somaliland shacabkeeda aanay abaartu u
saamayn siday u saamaysay dadyowga kale ee Geeska Afrika, maxaa diiday in
beesha Caalamka iyo bulshada ku shaqada lehiba ay hesho xog la xidhiidha
xaaladda deegaan iyo dadba ee abaaraha? Warbaahintuse miyaanay ahayn ta u
taagan tebinta dhawaaqyada la rabo in ay gaadhaan cidday khusayso, maxay
xukuumadda Axmed-Siilaanyo ugu muuqataa mid isaga ilaalinaysa inay siiso xog la
xidhiidha arrimahaas? Mise waxaanay kaba war qabin Xukuumaddu xaaladda
deegaannadaas iyo kuwo kale oo tiro badan oo aanay gaadhinba maamul ahaan oo
waxay dawladnimadaba u arkaan in ay ku koobnaato Hargeisa iyo magaalooyinka
kale ee Jidka laamiga ah ee isku xidha Somaliland aan ka fogayn?
DHAMMAAD
Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment