" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Weli Miyaad Maqashay Tixda "GELBIS" ee Hadraawi?

Thursday, September 15, 2011

Weli Miyaad Maqashay Tixda "GELBIS" ee Hadraawi?


Tixdan oo la baxday Gelbis, waxa halabuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Waxay soo baxday 3-dii May 2008-da. Waa hambalyo uu ku muunaynayo arooska gabadh uu ula baxay Gobaad. Malahayga, wuxu gaadhi kari waayay goobtii uu aroosku ka dhacayay, dabadeedna tixdan ayuu muquuno uga dhigayaa. Wuxu adeegsanayaa ereyo fud-fudud oo la wada fahmi karo. Tixdani weli si ballaadhan looma shaacin, laakiin dhowaan ayaa lagu daahfuray degelka suugaanta Hadraawi ee www.hadraawi.org. Waxay tidhi:
Dadka goobta joogiyo
Inta guurti xuladiyo
Gacal iyo in xididoow,
Waxa iga guddoontaan
Gudashada Islaamkiyo
Godka hore salaantii
Gacantii la-fidin jirey.
Garka taxan awaalaha
Iyo gooddi kala rogan
Gaalgaalka weedhaha
Kala-guridda Maansada
Arartayda gebagebo
Halka ay ku gobo’ tidhi
Haddaan gees isaga dhigo
Galka sudan u daaddego
Golayaasha magaca leh
Gudbantiyo Af-tahamada
Garashaa la hadashee,
Hadalkayga gaarka ah
Waxba guulin maayee
Gobi may maqlaysaa?
Haddii loo gabbalo-dayo
Gunta loogu sahan tago
Guurka waa la-mahadshaa
Gumaradu lib weeyaan,
Godad baa la-eegaa
Iyo meelo kala guran
Is-gargaarku waa sees,
Qabyo waxa gufayn kara
Laba guusha wada jecel,
Libtu waa hal iyo godol
Iyo gelinba sii soco,
Galab noolba waa taab
Iyo Tiir u soo goo.
Dantu gelinba waa cayn
Iyo laba-gardaymood,
Godadleynta salowga leh
Iyo goora-gooraha
Gurrac baa ka beermoo
Talo way gidaaddaa
Haddaan loo gabbalo-deyin,
Garraaddeynta sahanka ah
Mar haddii la-garab maro
Halka guusha laga dayo
Qofka gole ka-fuulkiyo
Arrimaha gol-madhanta ah
Gacmahaa ku daaloo
Laba kala gablooshoo
Kala gamashidaa badan.
Waxba Geesi ma hollado
Haddaan Gaari nuurayn,
Haddana Gaari waa been
Haddaan Geesi noolayn.
Gabadh yahay Suleekhaay
Marka xiga Gardheeyaay
Marka xiga Galooleey
Guri-bila haddaad tahay
Adaa guul xeraystee,
Aniguna Gargaaraay
Waxaan kugu gelbinayaa
Hiddaheenna guunka
Iyo golon-golleeydii
Gibladiyo mashxaraddii
Lagu geda-gedayn jirey.
Waxaan kugu gelbinayaa
Guryo-samo adduunka ah
Iyo goobta aakhiro
Gob inaad la deristaan.
Mar hadduu Gobaadeey
Gabaygaygu kula yahay
Qoraxdoo gardhalatiyo
Dayaxoo galshaystiyo
Gallad aad tebaysoo
Guurkaaga bili kara
Godob baan ka baqayaa,
Anna waxaan guddoonsadey
Inaan geeri mooyee
Dhinacayga Gololooy
Garbo kugu bannaanaan.
Marka xiga Gobaadeey
Haddaan goobta iman karo
Murtidayda gaanka ah
Gurmashaan ku darayaa,
Marka gooli-baadhkiyo
Gumucyadu is-dhaafaan
Gelbiskaan horkacayaa
Guddidaan ku jirayaa,
Marka goluhu laasimo
Guradaan fadhiyayaa
Halka toban-gardhaalaha
Isku-joog gun iyo baar
Lagu taxay garaariyo
Googoosku sudhan yahay.
Gaalgaalka maansada
Gedda hadalka loo jaro
Gebagebadu waa duco
Iyo godolka aamiin.
Ubad wada-garaadda ah
Wada cugan gabdhiyo wiil
Iyo guuto magacyo leh
Afartiinna geesood
Mahad iyo ku ladha guul
Goblankana xijaab ka ah
Gudcurkana ilays ka ah
Laga qoray Galool Hawd
Iyo geedka nabadeed.
God hadday ku libidhiyo
Hadday xaajo gadantaba
Xog kastoo la-daba galo
Ged kastoo la-diga rogo
Biyo-gororku waa meel.
Garashada addoonkiyo
Hadba wuxuu go’aansado
Iyo galabba xaajada
Qofna tiisu gibil ma leh.
Rabbi baa Guddoonshe ah
Galladaha mug-weynta ah
Raxmaddiisa gaarka ah
Gacan bariday waa hodan
Ganatada iblayskiyo
Gun hadday ka magan tahay.
Rabbiyow na-garab mari
Inta gaal u meel taal.

Isha xogta: www.Weedhsan.com  

No comments: