" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Cakuye ma mutaysan!!

Monday, September 5, 2011

Cakuye ma mutaysan!!

17th, May, 2011


Muuqaalka waxay madashu u egtahay in ay ka socoto maamuus madaxweyne Qaran, laakiin macnaha way ka geddisan tahay. Madaxdu way u dhan tahay goobta, laakiin haddana meel bay wax ka si yihiin. Dananka muusigga Qaranka iyo baamboyda ayaa isu-baxay, haddana waxay u egtahay in aanay macno badan samaynayn. Dadku waxay u qaybsan yihiin dad qiiradoodu kacsan tahay, kuwo Gacanta iyo foodda hore ee madaxa isku-haya oo salaam qaadanaya iyo qaar laabta gacanta saaray oo iyaga laftoodu salaanta sifo kale u qaadanaya, haddana ma dhaaddana sida ay wax u qaldan yihiin.


Qof waliba wuxuu u taagan yahay si kalsooni leh, balse kadnaani ku jirto. Waa Madaxweyne Siilaanyo oo Gacanta laabta ku haya, waxa hareero taagan labada Taliye Ciidan ee Booliska iyo Milatariga, mid walibana sida u caadada ah Sarkaal Ciidan, waxa uu isku hayaa foodda hore ee madaxa iyo gacanta midig. Waxa ka soo horjeeda oo soo hor tuban Ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka oo Salaanta bixinaya. Waxaanse goobta ka muuqan shucuurta cid dareensan siday wax u qaldanaayeen oo ah in wixii ugu sareeyay dalku uu wakhtigaas ugu hooseeyay.

Goobtu waa Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Berbera, goortuna waa soo-laabashadii madaxweynaha ee safaro uu bishii April ku soo maray dalal ka tirsan dalalka Carabta. Wuxuu madaxweyne Siilaanyo si dhibsi laáan ah ugu taagan yahay Qori loo sameeyay sida Kaabadda, isla markaana uu ku xardhan yahay Calanka Somaliland. Dadka qaarkood ayaa laga yaabaa inay u arkaan weedhahan si ka duwan, sida qalinku u arkay. Hase ahaatee, waa hubaal in Tawxiidka ku yaala Calanku uu Islaamnimada ugu sarreeyo, saddexda midab iyo xiddigta madow ee Calanku ka samaysan yahayna ay ugu sareeyaan astaan kasta oo dalka ka jirta. Way dhici kartaa in ay dadka qaarkood ku andacoodaan in aan astaantaas Calanka ee madaxweynuhu ku taagnaa aanay ku oolin tawxiidku, laakiin maaha calanka iyo astaanta qaranku mid ku salaysan; la-jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!!!!

Waa dhacdo ay taariikhdu qortay xukunkeedu wuxuu yahay, horena uga dhacday dalal badan oo dunida ah, in badan oo bulshada ka mid ahina ma filayso in la fuliyo xukunkaas, waxase la-yaabkeeda mudan in cidda soo diyaarisay ee ugu talo-gashay in Madaxweynuhu Calanka isku taagaa ay masuuliyiin yihiin la dirsaday, halka Madaxweynuhu hubsiimo-laáan u dul-baxay oo uu cagaha ugu joojiyay, isla markaana ay hareero tubnaayeen masuuliyiin kale oo badani. Maxay ahayd ujeedadu, ma aqoon-darro, ma hubsiimo-la’aan, mise dadka tallaabadan qaaday ayaan dareensanayn qiimaha Calanka? Waxay ahaydba, ma ahayn tallaabo mahadin mudan.

Dulucda qoraalka qalinku maaha in cid la duro, mana aha in cid kale la ammaano, hase yeeshee, waxa quman in wax la saxo, lana xusuusnaado in goobta Calanka iyo tawxiidka ku ladhani ay mudan yihiin in la dhigaa ay tahay meel madaxa ka sarraysa iyo madal ka sii korraysa, balse ma mutaysan in cagaha la hoos mariyo.
Calankeenan wanaagsani,
Cagaha in la saariyo,
Cakuye ma mutaysan,
In lagu joogo cabbaar.

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

No comments: