" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Tanna ma u dambaysay?

Monday, September 5, 2011

Tanna ma u dambaysay?


20 December 2010

Waxay dhex meehannaabaysaa laba dhisme oo masaafo ahaan isu-dhaw, balse marka loo eego da’deeda ay ku adag tahay inay isaga-dab qaaddo. Waxay labada gacmood ka buuxsatay xaynka marada ay xidhan tahay, waxaanay u baalla-daymoonaysaa si didsan, si ay hadba uga gudubto Waddada baabuurtu cidhiidhiga u marto ee kala qaybisa labada dhisme. Tiro ma leh inta jeer ee ay sigatay ee baabuur jiidhi gaadhay, balse uma muuqato khatarta ay waajahayso, waxayse maskaxdeedu ku mashquulsan tahay in ay dhisto qaabka ugu habboon ee ay tabashadeeda u gudbinayso, una heli lahayd cidda ay u heehaabayso. Haa, way saxsan tahay, oo labada Guri waxay ku ogayd inay ku jiraan dad shalay markay la hadlayeen nasteex isaga dhigayay, hase ahaatee, ay wax iska bedeleen sidii ay ku ogayd.


Markay dhawr jeer hadba dhinac uga tallowdo Jidka, waa da’ iyo caadkeede way daashay, una baahatay meel ay dangiigsato. Iyaba waa bixisee, labada dhisme midkood iskaba daa in la ag-hadhsadee, cidda lug ku dhaafaysa ayaaba barwaaqo joogta hadday ku nabad-galaan oo mararka qaar ayaaba jalleecada lagu qoonsadaa. “Oo tolow miyaanu halkan isku-bedelku soo gaadhin, waa maxay waxan oo Askar ah ee waliba arxan-darrada raacsatay?” waa nuxurka ereyo ay Caasha nafteedu kula xanshashaqayso, hase yeeshee, waxay dan moodday inay si janjeedh ah salka u saarto kaabad yar oo Dhismaha kale hortiisa ah. Maankeeda kama madhna in ay mar kale amba-qaadi doonto raadintii ay ku jirtay, balse layslamaba gaadhin!!. Waa buuq iyo sawaxan ka soo uugaamaya illinka dhismahay ag-fadhido, waa Rag wada dhalaalaya, iftiimaya, faraxsan, isla markaana qosolkoodu digasho ku yahay cid kasta oo baahan. Waa laba nin oo gacmaha is-haysta, murmaya oo qaylinaya, waxa xiga saddex kale oo iyana is-jiidanaya iyo qaar kale oo daba-guuraya. “Waar kii hebel Milyankii laynoo kordhiyay buu ka hor yimi..hebelkii kalena Shirguddoonkuu la safan yahay..iga walla in uu nacas yahay…” iyo weedho la meeqaam ah, ayaabay isugu jiibinayaan, “Muddada laynoo kordhiyay lafteeda waa in Shirguddoonku meesha ka baxaa oo aynu wax bedelnaa,” waa aragti kale oo mid buuqa dhex-qaadayay talo ahaan ku darsaday.

Yaab iyo amakaag! Kaaf iyo kala-dheeri! Dhugasho fiirsi ah ka dib, Caasha garan kari wayday mid ay hebeloow tidhaahdo, dhawr jeer bayse hollatay inay mid la xanshashaqdo, sababtoo ah, waxay raadinaysaa waa Xildhibaankii Golahan Wakiillada ee ay dhismihiisa horfadhido ee ay iyada iyo Caruurteedu doorashadiisii ku talo iyo wakhtiba seegeen, si uu ugu tilmaamo. Ileen maaha Xildhibaankii ay ogayd oo muuqaal ahaan iyo xusuus ahaanba wuu isbedelayoo, waxa mugdi kaga jiraa in uu xusuusan doono iyo in kale. Caasha ma fahmayso waxan ay ka hadlayaan, kaliya waxa maskaxdeedu ku soo celcelinaysaa MILYAN. “Waar tolow malaayiintooda ha iskaba qaataane, maanta kii aanu dooranay ma ka heli doonaa wax aan caruurtii qado uga dhigo,” waa dulucda waydiimaha dhex maraya ruuxdeeda iyo maankeeda, balse Ilaahay uun ogyahay.

Ortii iyo alalaskii kaga gudbe, iyadana boodhkii jaantoodu kicistay ku dhaafe. Walise ma qancin, waagii beryana waxay ku rejo-qabtaa in ay maalin uun helayso. Caasha oo kaliya maaha, waxayse hormood ka tahay bulsho-weyn badan oo Mudane ay doorteen, u doorteen wax-qabad, ka doorteen deegaan, uu wakhti ku qaato waxaan loo dooran. Dabayaaqadii 2009 ayay ahayd markii rabshado ay horseedeen Golaha Wakiilladu ay ku geeriyoodeen dhalinyaro, iyaga oo u arkayay in weerar lagu qaado Aqalkaas iyo muran ka dhex xoogaystaa in ay tahay madax-bannaanidii shacabka iyo Wakiillladii ay doorteen oo la cabudhinayo. Balse ay ku hungoobeen. Si kastaba ha ahaatee, dadka badankooda ayaa qaba in wax kasta oo ay Wakiilladu ku soo qaateen shantii sanno ee ay umaddu hore u dooratay oo ahayd waxa kaliya ee ay ku faani jireen ee ahayd in ay yihiin golaha kaliya ee sharciga ah, aan imika umadda iyo shacabka toona aan xaq loogu lahayn in halkii ay wax-toosin ka geli lahaayeen muddada loo kordhiyay, ay ku qaataan muran iyo in Mudane u muuqda mudane kale.

Aan ku soo afmeero tuducyo ka mid ah Maansadii Awaal-tiris ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Haddaad na ilaalin waydo,
Asxaanta ku laaban waydo,
Abaal nagu yeelin maysid,
Amaaan naga dhawri maysid,
Markay ajashaada gaadho,
Cidina kuu ooyi mayso,
Ilaahay ka dhuuman maysid,
Jannada ku aroori maysid,
Cadaabta ka ooli maysid,
Godkaaguna waa aboor,
Abeesiyo waa ciqaab!.

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

No comments: