11th Feb, 2011
Waa abbaaro tobankii habeenimo, goobtaas
caado uma ahayn in wakhtigaas ay dad badani ku soo ururaan. Markaan 500
oo tallaabo u jiro ayaan arkay humaagga dad tiradooda aanan wakhtigaa sixi
Karin, balse himbiriirsi ahaan faro badan.
Madowga habeenimo iyo iftiinka oo ku yar
goobta awgeed, ma awoodi karayn maskaxdu inay qumaati u saxdo tirada rasmiga ah
ee dadka iyo ujeeddada ay ku urureen. Inkasta oo aan tallaabada hoosta ka
xadayo, si aan u gaadho goobta, haddana intaanan uba dhaawanin, waxa isa soo
taray buuq iyo muran. “Iyada waydiiya, iyadaa ka masuul ah, maxaa isaga u
geeyay!!” iyo ereyo la mid ah ayaa dhegahayga ku soo duulay, waxa uu u muuqday
cod wiil dhalinyaro ah. Waxaan laban-laabay xawaarihii tallaabada. Halkay ka
hadlayaan fogaa, miyay sii durkaysaa, mooyi!. Intaanan cabbaarba sii socon,
waxa xigay dhawaaqa Siidhiga iyo sawaxanka codadka is-dhaafaya ee dulucdoodu
muranka yahay.
Ilaa 300 oo tallaabo markaan u jiray,
ayaan xusuustay in aan kaba dheereeyay oo aan ka tegay rag aanu wakhtigaa wada
soconay, haddiiba aan dib jalleecay, shaw maba soo dhawa ee waan ka goostay
socodka. Iyaga waan ka tegay wakhtigaas, mana gaadhin halkaan u degdegsanaa ee
lagu buuqsanaa. “Tolow ma cid baa meesha lagu dilay, dilku buuq yaraa! Haddaa
maxaa Siidhiga iyo Ciidanka keenay? Mooyi” waa qaar ka mid ah ereyadii ay
maskaxdaydu ku sii tallamaysay intaan socday. Muranka qayb ka mid ahi waabu soo
dhawaaday, xaggayga ayuu u soo socdaa! Tallaabadaan dhimay, si aan u hubiyo
waxa jira. “Wuu ka qaaday oo ii dhiib ayuu yidhi, balse markii dambe ayuu
damaaciyay,” waa weedho ay isugu jiibinayaan wiil yar, Wiil kale oo dhalinyaro
ah iyo laba Haween ah, qiyaastiina u muuqda inay buuqa dadka soo raaceen, balse
ay dib isaga noqonayaan. Mid ka mid ahi wuxu sitaa Bud, halka haweenkuna ay si
halhaleel ah iyo degdeg ka muuqdo ay u hagoognaayeen waxay huwanaayeen.
Goobtii baan soo gaadhay, waa mid ka mid
ah Saldhigyada magaalada Hargeysa, waxa is-haysta dad tiro badan oo
xaafad-xaafad isku laayay, waxaana dhexdhexaadinaya oo qaar ka mid ah
wakhtigaas xidhaya Ciidamada Booliska oo iyana isu-wacday. “Waagu ha u
baryo ee horta xidha, waar idinkuna nagala taga buuqa,” ayuu yidhi mid ka mid
ah Askartii goobta joogay ee dadka xidhay. Waxa goobta buuxa dad u badan
dhalinyaro rag ah, kamana madhnayn Hablo iyana.
Qofkii iigu dhawaa, ayaan waydiiyay waxa
dhacay ee intan oo dad ah loo xidh-xidhayo, balse iima soo celin jawaab I qancisa.
Waxaanse suáashii mid la mid ah la gaadhay mid ka mid ah Askartii goobta
joogtay oo aanu is-weji garanayno, kuye, “Waa dad is-haysta, waanay islaayeen,
waxaanay isku haystaan oo ay isku laayeen waxaanan garanayn oo aan layskuba
layn,” hase ahaatee, markiiba askari kale ayaa u dhawaaqay oo uu dhankiisa u
dhaqaaqay. Aniga oo aan ku qancin jawaabtaas, ayaaban maqlay dadkii oo
garramaya. “Isagaa iga qaaday oo wuxuu igu yidhi, aan kuu eego, markii dambena
wuu I dafiray. Markaan waydiiyayna wuu I caayay,” waxa sidaa ku gardhiganaya
Wiil dhalinyaro ah. “Muxuu kaa qaaday,” ayuu waydiiyay dembi-baadhihii kiiska
qorayay, kuye, “Kaadh (Memory Card) 1GB BADHKII,” Askarigii ma fahmine, wuxuu
kii u xigay waydiiyay, “Muxuu ina yidhi imika?”, “Wuxuu ku yidhi, Kaadhka Telefoonka
gacanta ee Moobilada la geliyo oo 500MB ah, ayuu iga qaaday,” ayuu ku jawaabay
Askarigii kale.
Yaabka yaabkii! Bal qiimee, waa 10:00
habeenimo, waxa la joogaa saldhig oo qaarkood la xidhayaa, waxa laysku haystaa
oo laysku laayay Kaadh yar, waliba 500MB ah, qiime ahaan noqonaya 17,000
oo Somaliland Shilin ah, una dhiganta ilaa 3 Dollar. Waxa intaa dheer, ma jiro
muhiimad uu Telefoonku u fadhisto ama u shaqayn waayo oo uu qabtaa, kaliya in
wax lagu kaydiyo.
Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment