" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Way dayacan yihiine, dadyow yaa u maqan?

Monday, September 5, 2011

Way dayacan yihiine, dadyow yaa u maqan?


15 Jan 2010

Way dacayan yihiin, way dayaysan yihiin, dulmi baa u dheer, Dhib kasta oo dalka soo waajahdaa iyaga ayay ugu hor saamaysaa, dheef kastase way ka qatan yihiin. Waa qayb ka mid ah tiirarka Dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada, balse ma helaan xuquuqdooda, loomana dhaaddana sidaas.

Ma jiro Xisbi waxtar iska dhaafe, ku xisaabtama Cod ay leeyihiin, taa bedelkeedana waxay u muuqanaysaa in loo arko inaanay xaq u lahayn codayn iyo ka-qayb-galka hannaanka Dimuqraadiyadda. Noloshooda dayawday waxay ka mid noqotay nolol-maalmeedka caadiga ah ee dadku waajahaan maalin kasta, dhibtay la deris yihiin dadka ay dareenkooda bedeshaa way yar tahay amaba cid badani ma danayso.
Waa dabaqad muuqaal ahaan la arko, balse nolol ahaan qarsoon oo aan la sii dhugan noloshooda. Waxay ku daadsan yihiin Magaalooyinka Somaliland, waxa hoy u ah oo ay gabboodsadaan Jidadka iyo goobaha dadku maalintii ku ganacsadaan ee laga rawaxo habeenkii oo qaarkood lagu handado amaba lagu dilo. Waa da’yarta loo bixiyay Derbi-Jiifta. “Maalinta aanu is-nidhaahno cid baa wax idin taraysa waa mar dan nalaga leeyahay oo tusaale ahaan Wasiiradu maalinta ay qabsanayaan Xafladaha Caruurta intay Garamaan noo xidhaan, ayay na geeyaan madashaas.” Waxa sidaa ku tiraabay mid ka mid ah dhalinta Noloshoodu dib-u-habaynta u baahan tahay.

Maaha af-gobaadsi iyo eed uu cid kula dul-kufay weedhaha uu sheegay, balse waa dhacdo markhaati leh. “Waxay ahayd Xuskii sanad-guuradii 20-naad ee Heshiiska Xuquuqda Caruurta Dunida ee 22 November 2009, raxan Wasiiro ah iyo Masuuliyiin kale ayaa Xarunta Agoomaha ku qabtay Munaasibadda lagu xusayay maalintaa, waxaanay goobta keeneen Caruur derbi-jiif ah oo ay u soo lebbiseen.

Markii ay Munaasibaddu dhammaatay, waa la waayay cid Gaadhi ku qaadda Caruurtaas oo ku celisa halkii laga keenay ee ay seexanayeen oo Suuqa ahayd, halkaas oo masaafo ahaan ka fogayd halka ay markaa ku sugnaayeen, masuul kastaana wuu iska tegay.” waa ereyo marag-fur u ahaa cabashada Caruurtaas oo uu ugu markhaati kacay mid ka mid ah dadkii ku sugnaa munaasibad lagu xusayay arrimaha Caruurta.

Dhibaatooyinka nololeed ee ay hore ugu sugnaayeen caruurtani waxa hadda dheer oo soo raacda dhib u soo korodhay guud ahaan dadka Somaliland, gaar ahaan iyaga.

Dhaxan baa jirta bilaabantay bishan January, taas oo qof kasta oo Guri ku jiraa uu dareemo habeenkii, Deegaamada Somaliland qaarkoodna laga soo sheegay in ay ku laysay Ey iyo Dameero, akhriste dareen noocee ah ayay kuula muuqataa nolosha Ilmo yar oo da’dii dhalinyaranimo ku jira, waayaha iyo duruufuhuna badeen in uu seexdo Gidaar, isla markaana ban-yaal iyo dibed-yaal u ah Dhaxan keentay in Biyuhu fadhiistaan.  

"..Meelaha aanu seexano ee Gidaarada ma jirto cid dab noo shiddaa amaba ma helno dab aanu shidano, dhaxanta dhacda ee habeenkii dushayada ku dhammaataa, waxay keentaa in aanu maalin oo dhan Cadceedda isu-dhigno. Qaar naga mid ahina waxay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan.” Ayuu ku xaaladdooda nololeed ku cabbiray mid ka mid ah dhalinyarta Derbi-jiifku.

Gebogebadii, cid kasta oo masuuliyaddooda lagala xisaabtamayaba, waxa inaga wada saaran masuuliyad. Waxaana badan dulmiga Bulshada inteeda kale ay kala kulmaan Caruurtani, hase ahaatee waxaan ku soo af-meerayaa, way dayacan yihiine, dadyahow yaa u maqan?

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

No comments: