Waxay si
dangiigsi leh ugu tuntuunsadeen labadiisa gacmood, waxaanay hareeraha ugaga
jiraan sidii tuug la qabtay oo laga feejigan yahay in uu baxsado. Itaal ahaan
way ka awood badan yihiin, haddana waxay ugu dheggan yihiin sidii laba qof oo
aan kalsooni badan ku qabin kartidooda xejineed.
Way socdaan, waxaana dhinac
socota Gabadh da’ahaan wayn. Intaa wuu daldalmayaa hadal nuxurkiisu ku abbaaran
yahay Gabadha, laakiin waxay u muuqdaan in aanay u jawaabayn, “Soco ha-nala
hadline” iyo ereyo la mid ah oo hatigaad iyo gundhis turunturro daarani
weheliyaan, ayay ugu hadal-celinayaan.
Waa
Hargeisa iyo goor fiidnimo ah, ninka garbaha la hayaa da’ahaan waa gedaha
afartan jir, aragti ahaan wuu ka lebis duugsan yahay kuwa garbaha haya, balse
kama caqli liito! Islaanta dhinac socotaa kama riddo ninka la jiidayo mararka
qaarkood ee u qayshanaya, sababtoo ah, waxaabay u egtahay in iyada loo soo
qabtay oo loo wado. Qof kasta wuxuu isku dayayaa in uu la hadlo, si ay uga
dhiciyaan ragga awoodda ku muquuninaya, balse cid walba oo u joogsan lahayd,
kuwan wada ayaa ka didiya, “Waar waa nin is-waalaya oo aanu soo qabanaye,
iskaga socda,” ayay kaga hortagaan qof kasta oo isku daya in uu u hakado ninkan
la jiidayo!
Qiyaastayda
tiro ma leh inta qof ee uu u qayshaday, balse dhaaftay! Hase ahaatee, aakhirkii
waanu soo gaadhnay. Markan malahayga u qaatay in uu hoosta iska yidhi;
alleylehe kuwan ku mitid oo yaanay ku dhaafin nimanka ha kaa ridaane! Inkasta
oo uu soo qaylinayay markii uu naga hor yimi, anaguna aanu la yaabbanayn ninkan
waxa ka qaylisiiyay, balse aanu arkayno in la qasbayo, ayuu na soo gaadhay,
“Waar ilmaadeerayal nimankan iga rida oo noo gar naqa!”, ayuu codsi ahaan nagu
yidhi. Iyaguna (raggii waday) halkoodii ayay ka miiseen in aananu dhegba jalaq
u siin ee aanu iska dhaafno, hase ahaatee, waxaanu isku daynay in aanu
dhegaysano wuxuu ka hadlayo oo ay daayaan. Naga ogolaade, marki buu bilaabay
gartiisii; “Nimanyahow, Islaantan I dhinac taagani waa Hooyaday, nimankan
garbaha I hayana, kani (kii dhinaca midig hayay) waa walaalkay, kan kalena waa
inaadeerkay. Waxay I leeyihiin waad waalan tahay ee waanu ku soo xidhaynaa,
Hooyadayna waa tanoo maalin kaliya dhib igamay sheegan,” ayuu hadalkiisa ku
bilaabay. Anaga oo aad ula dhacsan sida uu u gar-dhiganayo, balse ay hadba
madaxa gundhinayaan qoladii garbaha haysay oo ay u hollanayaan inay kaxeeyaan,
ayuu hadalkiisii sii amba-qaaday, “Anigu subixii markaan ka soo baxo Guriga
hooyaday, waxaan habeenkii ku laabtaa aniga oo u sida lacag 20,000 (Labaatan
kun oo Shilin), kanna (walaalkii), hooyaday wuu ka qaadaa lacagta aan u geeyo.
Markaa ilmaadeerayaalow, kaayagee waalan ninkayga Hooyadii lacagta u geeya iyo
ninka ka qaada wixii aan u geeyaba?!!!!”
Bal waa
lama-arage Iyamaa waalan?, Anagoo aad ula dhacsan garta
ninkani dhigtay, ayaanu mar kaliya wada nidhi, waar ninku ma waalnee sii daaya!
Balse, sii wade oo warkayaga ma dhegaysan!.
Barkhad
M. Kaariye
Hargeisa,
Somaliland.
No comments:
Post a Comment