" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Baadida Insaanka!

Saturday, September 17, 2011

Baadida Insaanka!


Qalinka: M. M. Kastam
Farxaddu waa baadida insaanka oo uu ka doon doono meel kasta iyo xilli kasta, habka qof kastaana uu u doon doonaa waa mid uu gaara oo ku xidhan ama la xidhiidha dabcigiisa, duruufihiisa iyo sida uu u jecel yahay.


Qaar waxay ka baadi doonaan hantida iyo meel aad u fara badan oo ay yeeshaan, qaarna hiwaayad iyo waxyaabo waqtiga uu ku dilo ayuu ka raadiyaa, kuwa kalena waxay ka raadiyaan jago madxtinimo ama magac caan baxa. In yar oo dadka ka mid ah ayaa shaqadooda farxad ka doona, waddankiisa oo uu wax u qabto ama dadka kale wax wanaagsan u qabta.

Dadka qaarna waxa ka mid ah kuwa farxa marka dadka kale ay dhibaan ama dhibaato ku dhacda, qaar ayaa iyaguna u arka farxadu inay ku jirto siyaabo kala duwan oo lagaga baxsado nolosha. Nolosha waxay u arkaan inay tahay culays aan la xamili Karin, sidoo kale guul la gaadhaa waxay u arkaan mid xambaarsan waddo qodxaan miidhan ah.

Jacaylka daacadnimada yididiilada iyo dhammaan waxyaabaha wanaagsan ay yihiin kuwa ka dhalanteed ah, kuwani waxay doontaan mid ad-habyo ay siku ilawsiiyaan,mar waxay adeegsadaan riyada soo jeedka loo yaqaan oo waxay hawada ku dhisaan qasriyo, mararka qaarna khamriga iyo xashiishada ay ku doon doonaan oo u horseeda duni aan ahayn dunidoodii.

Dunidaas oo ay deggen yihiin dad is jecel, ballanta dhawra, wanaaga oo idilna isk deeqsiiya, maskaxdoodu waxay u sawirtaa nolol aan murugo la socon iyo dhibaato iyo inay risiq kasbash ku dhaqaaqaan.

Kuwa kale ayaa iyaguna horumarka cilmiga ka gaadhay dhinaca daawooyinka ugu magac daray kiniin ka mid ah kiniinada oo ah kuwa loogu talogalay qofka inay yara dejiyaan marka uu qaato, wuxuunn marka dambe uu noqday dawada cuduro badan sida ay iska dhaadiciyaan dad aad u farabadan. Kiniinkan oo markii dambe gaadhay sida tigidhada sineemada loogu goosto dhakhaatiirta si looga helo kiniinka farxadda iyo guusha loogu magac daray.

Qaar waxay qaateeen xilliga imtixaanka qaar marka ay masraxa isa soo taagaan si ay kalsooni dheeraada u helaan iyo geesinimo, qaar ka mid ah dadku waxay haystaan waxyaabo badan oo ay la iman karaan ama farxadda u sii mari karaan ka heli karaan, sida maalka, deegaanka, xaflado isbarasho oo la qabto, ciyaaro kala duwan iyo waxyaabo klae oo badan. Runtii waxa la odhan karaa kuwani ma doonayaan faraxadda, waayo kama ay baxsadeen farxadda manay doonteen waxaan farxadda ku jirin ama laga helin, waxayna la mid yihiin qof arkay dab agagaarkiisa ka shidmay oo sii kordhaya, halkii laga filayey inuu bakhtiiyo ama ka fogaado indhaha iska xidhay.

M. M. Kastam
Hargeisa, Somaliland. 

No comments: