" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: ‘Anigaa is-doorshoo, Xil baan u doornahay’

Monday, September 5, 2011

‘Anigaa is-doorshoo, Xil baan u doornahay’


11 Jul 2010

Tartan kasta oo la galo laba jid midkood ayay mutaan tartamayaashu, qayb guulaysata iyo garab laga guulaysto, hase ahaatee, macnuhu kuma jiro in la kala badiyo, waxayse xikmaddu ku duugan tahay in dhinaca laga guulaystay uu aqbalo. Inkasta oo muddadeedii dhaaftay, haddana ugub kuma aha Somaliland in tartan Siyaasadeed saldhiggiisu yahay hoggaaminta dalku ka dhaco, hase yeeshee, hore ayay Umadda Somaliland saacado badan ugu soo dul-qaateen Cadceed kulkeedu sarreeyo, isla markaana ay codkooda u soo dhiibteen. Waxase Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ay kaga geddisan tahay, Shacabka Somaliland oo yiddidiilo xooggan ku qaba in ay horseed u noqon karto aqoonsi Caalami ah oo ay Beesha Caalamku ku abaal-mariso Somaliland.

Xafiiltanka siyaasadeed iyo xeeladaha kala-hanashada dadweynaha la filayay in ay codkooda dhiibanayaan, ayaa dalka ka socday wakhtigii la xaqiijiyay in ay suurtogal tahay in Doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso ilaa markii laga soo gaadhay maalintii Doorashada.

Ololaha Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa 02 June 2010 dalka ka bilaabmay,  isla markaana dhammaaday 23 isla bishaas, taas oo keentay in 26 June dalka looga dareero Doorashadii labaad ee Madaxtooyada oo ay dadweynuhu si xor ah u soo doortaan Madaxweynihii iyo madax-weyne-xigeenkii hoggaamin lahaa.

In Koox dad ah lagu qaabilo Munaasibad, lana shaaciyo in ay ka baxeen Xisbi, kuna biireen Xisbiga Xafladda u sameeyay, ayaa ka mid ahayd tabaha lagu sawirayay in taageerada Xisbigaasi korodhay. Taas oo socotay ilaa horraantii Ololaha Doorashada.

Muddo badan oo Carrabka dadku u badnayd kelmadda ISBEDEL ka dib, Arooryo hore, 26 June 2010 ayay dadweynaha reer Somaliland guud ahaan dalka uga dareereen si ay codkooda u dhiibtaan Doorashada Madaxtooyada, isla markaana tirinta codadkaas natiijadii ka soo baxday ay Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqeen in uu ku guulaysteen Murashaxiintii Jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, taas oo ay soo dhaweeyeen tartamayaashii kale ee Murashaxiinta guulaystay kula loollamayay xilalkaas.
Tartanka siyaasadeed waa mid ku caano-maalay in siyaasiga tartamayaa ku talo-galo in laga guulaysto iyo in uu guulaystaba labadaba, taas oo sahasha in la maro Jidka wanaagga huwan ee ay qaadeen siyaasiyiintii la tartamaysay Madaxweynaha cusub ee la doortay oo ah in laysu hambalyeeyo.

Qof kastaaba geesta uu doono ha iska taago’e, baytal-qasiidka dadweynaha reer Somaliland badankooda ayaa codkooda u dhiibtay  si uu dalka uga hirgelo isbedel salka ku haya nidaamka maamul ee dalka ka jiraa. Kuwaas oo ku naalloonayay in ay mar uun arkaan doonistooda oo hirgeshay.  .“Waxaan u codeeyay in dalka isbedel ka dhaco, Ilaahay mahaddiina wuu ka dhacay. Markaa aniga iyo inta ila mid ahayd ee u codeeyay isbedelku, waxaanu filaynaa in isbedel khayr qaba uu noqdo.” Waa qaar ka mid ah weedhaha dadkii codkooda dhiibtay ay ku cabbirayeen nooca isbedelka ay doonayaan. Waxa jira in badan oo kale oo ujeedada ay codkooda ugu hureen in dalka isbedel ka dhacaa uu daarranaa in la helo hoggaamiyayaal iyo Masuuliyiin xilka loo igmado uga soo baxa sidii ay dadweynuhu u doonayeen ama loogu dhiibay. Halka dadka in kale oo ka mid ahi ku qanacsanaayeen oo kaliya in dalka isbedel ka dhaco. Ujeedo kasta oo qof waliba ka lahaa in isbedel dhacaba, habeenimadii 01 July 2010, ayay Guddida Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashada, kuwaas oo shaaciyay in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u sharaxnaa Jagada Madaxweynaha ee KULMIYE iyo ku-xigeenkiisu ay ku gulaysteen xilalkii ay u tartamayeen.

Waa mid ka mid ah astaamaha siyaasiga iyo siyaasadda in mar kasta oo ay suurtogeli waydo habkii uu rabay iyo doorkii uu ka ciyaaray jaanta siyaasaddu, uu isku dayo in uu u digo-rogto hadba habka ula muuqda in uu toosan yahay. Qaar ka mid ah Wasiiradii iyo masuuliyiin kale oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB ee hadda talada ka sii degaysa, ayaa ka mid ahaa dadka wakhtiyo kala duwan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ahaa ee hadda talada la wareegaya ee KULMIYE, kuwaas oo qaarkood ay shaaciyeen in ay ka mid noqdeen Xisbigaas wakhti ay gebogebo ku jiraan loollanka kala-jiidashada cod-bixiyayaashu, isla markaana waxa la sugayay ay ahayd in loo dareero Doorashada.

Cid kasta oo fahmi karta wejiyada kala duwan ee Siyaasadda, la-yaab kuma laha in ay arkaan Siyaasi danihiisa ka raadinaya ciddii ay ku loollamayeen Garoonka siyaasadda. Hase yeeshee, caqliga fayow wuxuu in badan ka garaabayaa in aanay Nolosha dhabta ahi ku salaysnayn raadinta dano gaar ahaaneed, balse ay ku quman tahay horraysiinta danaha Qaranku. “Madaxweynaha cusub waxyaabaha aanu ugu codaynayay ayay ka mid tahay in uu isbedel la taaban karo oo muuqda dalka ka hirgeliyo, sida uu ballan qaaday.” Ayaa ka mid ah ereyo uu mid ka mid ah dadweynaha Hargeysa ku nooli ku tilmaamay aragtidiisa la xidhiidha isbedel dalka laga hirgeliyo.
Madaxweynaha hadda la doortay, ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Masuuliyiinta Xisbiga ay ka soo jeedaan ee KULMIYE, waxay wakhtiyo kala duwan oo ka mid ah intii aanay Doorashadu dalka ka dhicin in badan ku celceliyeen in dalka looga baahan yahay wejiyo cusub oo aqoon iyo karti ku soo kordhiya ay xilalka u qabtaan. Taa bedelkeedana, waxay badi Xukuumadda xilka bannaynaysa ku dhaliili jireen in aanay dalka waxba ka qaban. Dalkeenu horumar ayuu u baahan yahay, caddaallad ayuu u baahan yahay in meel muuqata la gaadhsiiyo ayuu u baahan yahay. waynu ognahay dalkeena geediga aynu u soo marnay xoreyntiisa, madaxbanaanidiisa, nabaddiisa ilaalinteeda iyo horumarkiisa ee shacbigaa ku dhisan, waxaannu idiinka ballan-qaadaynaa inaanu dalkeena dimuqraadiyad gaadhsiino, horumar gaadhsiino, caddaallad ku dhaqno iyo in wixii kaga baaqsaday nidaamka maanta ka dhisan ee dimuqraadiyadii ee wax horumara oo la taaban karo oo la sheegi karo aan dalka iyo dadka u qaban, inaynu badalno oo aynu maanta dhaqaaqno oo ictiraaf dhab ah raadino oo horumar dhab ah raadino ayaanu idinka ballan qaadnay.” Ayaa ka mid ahaa Khudbado uu Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu jeediyay intii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah, balse imika talada qabanaya. Taasi waxay iftiiminaysaa dhaliilaha aan la koobi karin ee ay Madaxda Xisbiga KULMIYE ee hadda talada la wareegayaa u xambaarin jireen Xukuumaddii UDUB ee ay ku loollamayeen Siyaasadda. Isla markaana waxaabay doorasho iyaga xilka loo doorto ay ku cabbireen in ay la mid tahay dalka oo la badbaadinayo. “Markaa waxaan leeyahay dhalinyarta ilaa Xaawa iyo Aadan aduunyada markay dhibi dhacdo cidda isbadalka u badheedhaa waa dhalinyarada..Anigu ma qabo maanta in Saylici iyo Siilaanyo la dooranayo ee dalbaa la badbaadinayaa.” Waa ereyo ka mid ah khudbado kale oo uu Madaxweyne-xigeenka cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku sifeeyay doorashadooda.

Inkasta oo ay jiraan aragtiyo ay aaminsan yihiin dadweynaha qaarkood oo nuxurkoodu yahay in Siyaasigu aanu fulinin ballan-qaadyada wakhtiyada uu Ololaha ku jiro amaba badhkood, haddana waxay Bulshadu in badan ka war sugaysaa fulinta ballan-qaadyada Madaxda cusub ee la doortay oo uu ugu horreeyo isbedel la hirgeliyo.
Walow aanay sinnayn oo ay siyaabo kala duwan, saacado kala soocan iyo sababo kala geddisan xilalka uga degeen, haddana Xisbiga hadda talada la wareegaya ee KULMIYE ayaa hore u qaabilay Masuuliyiin xilal kala duwan oo Wasiiro ka mid yihiin ka soo qabtay Xukuumaddii hore iyo Xisbigii UDUB ee ay hore ugu dhaliili jireen wax-qabad-la’aan. Taa macnaheedu maaha, masuuliyiinta ku biiray Xisbigaasi waxay dhammaantood masuul ka ahaayeen fashilaadda uu KULMIYE ku eedayn jiray UDUB, waxase jira xubno badan oo ka mid ah Siyaasiyiintaas oo aqoon iyo waxtar kaleba munaasib ku ah qabashada xil Qaran, kuwaas oo qaarkood ay wakhti munaasib ku ah is-casileen wakhtii UDUB. Hase yeeshee, waxa runta salkeedu yahay in xubno ka mid ahi ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ay Umaddu hore u aragtay hoggaamintooda intii lagu gudo jiray siddeeddii sanno ee Xisbiga KULMIYE dhawaaqa dheer ku sheegi jiray in dalku galay marxalad xayndaab ay u ahaayeen musuq iyo wax-qabad la’aan, kuwaas oo qaarkood ay hadda diyaar u yihiin qabashada Xil uu u igmado Madaxweynaha cusub ama isu-cumaamaday in ay xil qabtaan. Sidaas oo ay tahay, waxa Bulshadu isweydiinaysaa, sidee ayay suurtogal u tahay in Hoggaamiyihii Xisbigii hore Mucaaradka u ahaa KULMIYE, imikana ah Madaxweynaha la doortay uu xil u magacaabo masuuliyiin horeba uu ugu xambaariyay guul-darro kasta oo dalka soo gaadhay dhinacyada horumarka iyo wax-qabadka baahiyaha aasaasiga ah? Haddiise ay suurtogasho oo ay dhacdo, taa macnaheedu ma noqonaysaa in Madaxweynaha cusub garab maray ballan-qaadyadiisii hore, isla markaana ballan-qaadyadii uu sameeyay ay ahayd oo kaliya Sallaanka hanashada xilka hoggaaminta dalka?

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne, dalka iyo dadkuba uma baahna Masuul leh sifahan;

Nimaan is-doorinoo yidhi,
Anigaa is-doorshoo,
Dorraad UDUB ahaayoo,
Danyartiyo maatida,
Dulmiyi yaqaanoo,
Dalkuna wuu u baahnaa,
Nin sidayda derejiyo,
Dallacaad ku raba’oo,
Doollarkiyo hantidana,
Daldali yaqaanoo,
Dorraato wuxuu falay,
Dib inuu u galo raba.
Doorkaniyo maantana,
Xil baan u doornahay.




Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

No comments: