" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Hargeysa: Ilaaladii la ilaaliyay!!

Monday, September 5, 2011

Hargeysa: Ilaaladii la ilaaliyay!!

August 24, 2010

Intii aanay Baabuurtuba istaagin, ayay Ciidanku si halhaleel ah isaga fureen daaqadaha saddex Gaadhi oo ay la socdeen. Cidhiidhiga Albaabka iyo xajmiga gaadiidka oo is-khilaafsanaa, ayaa keentay in mid ka mid ah Askarta hubaysan ee gaadiidka ka soo daadatay uu si degdeg ka muuqdo u riixo oo uu u furo dhammaan fardadaha ama Albaabada Kadinka laga galo halka ay u socdeen. Si in ay ballan hore qabeen ka muuqato, ayay isu-qaybiyeen Ciidanku oo ay jihooyin kala duwan isu kala taageen. Waa Ciidan ka tirsan Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwooda ilaaliya Hay’adaha. Hubinta, baadhista iyo joojinta cid kasta oo doonaysay inay gasho xarunta ay ilaalada ka wareejiyeen waa mid socotay muddo, mana jirin cid dhaafaysay oo aan la aqoonsan ama aan aqoonsi sidan.

Waxay la socdaan rag caddaan ah oo ay ka muuqatay inay wefti yihiin, balse aan astaan gaar ah oo lagu garto dalka iyo cidda ay ka socdaan aan sidan. Hase yeeshee, u muuqday wefti miisaan leh oo ammaankiisa la sugayo. “Anigaa Albaabka joogaya ee idinku gudaha u raaca,” ayaa ka mid ahaa hadallo amar u ekaa oo ka soo yeedhay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada ah.

Daqiiqado ka hor wakhtiga ay ciidankani goobta soo gaadheen, dadku waxay u dhaafayeen Albaabka si xorriyad iyo baadhis-la’aan ah. Hase yeeshee, dadka intoodii ilaalada ka hor gudubtay, ayuun baa awood u lahayd inay hawlahooda ka soo qabsadaan xarumaha saddexda Wasaaradood ee is-huwan oo ah halka ay ciidankani ilaalada ka wareejiyeen. Balse, iyaga laf ahaantooda ayaa lala socday dhaqdhaqaaqooda. “Waxaan u socdaa wasaaradda dib-u-dejinta ee umaba socdo wasaaradda kale ee I sii daa,” waa qaar ka mid ah weedho uu nin doonayay in uu gudbo isku dayay in uu cudur-daar ugu sameeyo gelitaankiisa, hase ahaatee, aan hirgelin, ka dib markay is-hortaageen Ciidanku.

Tiro-badnaanta dadweynaha isku soo gaadhay Albaabka Ciidanku hortaagan yahay ee dano ka lahaa ee u socday saddexda wasaaradood ee is-ku xayndaabka ah, ayaa u ekaa kuwo dareen ahaan aan raalli ka ahayn. “Yaa meesha ku jira? Haddii ay ilaalinayaan cid ku jira wasaarad kaliya, maxay dadka kale ee wasaaradaha kale ku socda isu-hortaagayaan, miyay iska sii daayaan?” iyana waa waydiin ka mid ah su’aalo ay dadku is-dhaafsanayeen.

Inkasta oo ay dadweynuhu is-waydiinayeen cidda meesha ku sugan oo aanay rasmiyan ka war qabin cidda ay yihiin, haddana waxay ka war qabeen in Wefti joogo, cid ay yihiinba. Waa Wefti ka socda Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya oo uu horkacayo Danjiraha Ingiriiska ee Itoobiya, waxaanay kulan la lahaayeen Wasiirka cusub ee Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

In la sugo ilaalada wefti heerkaas gaadhsiisani, waa mid ka mid ah mabaadii’da nidaamka ilaalada masuuliyiinta iyo madaxda, hase ahaatee, waxa xusid mudan in aanay kala war qabin weftiga iyo ilaalada ciidamada Booliska ee la socday. Ciidamada Booliska shaqadooda ayay ahayd inay ilaaliyaan Weftiga oo aan iyaga u kala soocnayn, ulana muuqday dhammaantood xubno ka mid ah weftiga, waxase iyana dhinacooda shaqadooda haystay ilaalo gaar ah oo la socotay weftiga. “Idinku labadaa nin ee aan gudaha gelin raaca oo la socda,” ayuu laba Askarta ka mid ah ku amray mid ka mid ah ciidankaasi, isaga oo u tilmaamay laba nin oo weftiga la socday, hase ahaatee ilaalo caddaan ah oo iyaga laftoodu amniga weftiga sugayay.

Labada nin ee ajaanibka ah ee ilaalinayay Weftigu oo watay qalabka Telefoonada Satallaytka ku xidhan, waxay markiiba bilaabeen inay hubiyaan oo ay indho-indheeyaan dhaqdhaqaaqyada ka socda xayndaabka saddexda wasaaradood dhexdooda iyo meel kasta oo laab ah ama ay filayeen in wax lagu qarin karo ama cid qorshe damacsani ku dhuuman karto. Hase ahaatee, taas cakiskeeda labada Askari ee Booliska ah ee loo diray inay ilaaliyaan labada nin ee iyaguna ilaalada ah, ayaan ka war qabin shaqada cidda ay ilaalinayaan oo mararka qaarkood iyaga laftooda iska eegayay. Waxaanay u dhaqaaqayeen hadba dhinaca ay u dhaqaaqaan labada nin ee ilaalada weftiga ah.

inkasta oo ay weftigu galeen Xafiiska wasiirka qorshaynta oo ay kulan la lahaayeen, in muddo ahna ku jireen, haddana waxay markii dambe soo baxeen oo ay ka amba-baxeen xarunta wasaaradda Afartii nin ee midkoodba ka kale ilaalinayay oo intaaba iyagu haystay shaqooyin isku ujeeddo ah, balse aanay ka warqabin labada nine e ciidanka Booliska ka tirsan oo iyagu intaaba ilaalinayay ilaalada kale ee weftiga, kuwaas oo u muuqday inay isku daba daaleen sidii ay isu daba dhaqaaqayeen hadba halka ay u labada kale u dhaqaaqaan.

Barkhad M. Kaariye
kaariye104@gmail.com
Hargeisa, SOmaliland.

No comments: