" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Burco: Hooyo ka arradan waxtarka Ilmahay dhashay!!

Tuesday, September 6, 2011

Burco: Hooyo ka arradan waxtarka Ilmahay dhashay!!


22/10/09
Inkasta oo ay Gobollada iyo Degmooyinka kale ee Somaliland kala sinnayd Raxmadda Roobka ee fayday gibilkii Abaaraha, haddana waxay weli u muuqataa mid aanu ka wada kicin boodhku. Waxay Degellada kale ee Somaliland la wadaagtaa basanbaaska iyo baahiyaha kale ee ay qabaan. Waxase u dheer, dhaqaale-xumo ragaadiyay halbowlaha waaxyaha ganacsiga oo ah Xoolaha Nool.



Goobtu waa Burco, waa magaalo-madaxda labaad ee dalka, waa hoygii Alkumidda gooni-isu-taagga Jamhuuriyaddan, balse ma laha muuqaalkeedii. Taa macnaheedu maaha ma jiraan Hay’ado Dawladeed iyo kuwo Bulsheed oo shaqaynayaa, hase ahaatee, waxa jira tebashooyin u gaar ah. “Runtii, maadaama Burco lagaga dhawaaqay jiritaanka Somaliland, haddana ay sidaa tahay adeegyadeeda qaarkeed, waxaan odhan karaa Burco waa Hooyo ka arradan Ilmahay dhashay.” Waa aragtida Axmed Yuusuf Ismaaciil oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada, aragtina ka bixinayay muuqaalka nololeed iyo dhaqaale ee Burco. Waa Xarun xuddun u ahayd Isha Ganacsiga guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan geyiga Somaliland ee Dhoofka Xoolaha, balse hadda wax baa isbedelay. Waxay noqotay mid ka duwan Burcadii hore ee Ganacsiga Xoolaha. “Xaaladda guud ee Magaaladu waa caadi, wax dhibina ma jiraan oo Nabadgelyadu waa caadi. Hase ahaatee, waxa jirta oo kaliya dhaqaale-la’aan.  Sababtoo ah, bishan aynu ku jirnaa waa Dul-qacda oo waa Bishii Carafada oo Xoolaha ayaa la khatimi jiray. Ganacsatadii way taagan tahay, balse waxaan jirin wax Xoolo la yidhaahdo, Burco-na waxa dhaqaalaheedu ku xidhnaa waa Sayladda iyo Xoolaha.
Dhaqaale-xumada waxa keentay Abaarihii jiray ee Xoolaha Raashinka loo gurayay, sidaa aawadeed, ma jirayo Dhaqaale. Sababtoo ah, wax baa furfurmaya oo Xoolaha marka la iibiyo, Raashin baa lagu qaataa, Dhar baa lagu qaataa iyo baahiyaha kale. balse, marka Neefkii la iibsan waayo, ee uu istaago, ma jirayo Dhaqaale oo guud ahaan cid shaqaynaysaa ma jirto.” Waxa sidaa ku tiraabay Maayarka Magaalada Burco Maxamuud Xasan Dhego-laab. “Saaka waan imi Sayladda, mana jiraan wax Xoolo ah oo aan iibiyay.” Dhinaca kale waxay Weedhahaasi ka mid ahaayeen kuwo uu ku calaacalay mid ka mid ah Dillaaliinta Sayladda Xoolaha ee Burco oo aanu la kulanay.
Kaliya maaha Maamulka iyo Shacabka Magaalada kuwa aragtidan qabaa, hase ahaatee waxa jira oo badan inta dhibta dhaqaale-la’aantu saamaysay ee aan hadal.
Guud ahaan Hay’adaha Dawladda waxa ka hawlgala oo si muuqda u shaqeeya Wasaaradaha Waxbarashada, Maaliyadda iyo Caafimaadka. Dabcan, dadka Magaalada ku dhaqani dalka way la wadaagaan buuxinta iyo camiraadda Geedaha hoostooda iyo fadhiga Meheradaha shaqo-la’aan darteed. Taas oo Maamul iyo Bulshaba ay ka marag-kaceen.
Inkasta oo Hay’ado ay ka mid yihiin kuwa aynu soo xusnay ay yihiin kuwo inta itaalkooda ah hawl-gala, haddana waxa jira oo xusid mudan kuwo la tebayo oo caqabad ku ah Nolosha guud ahaan Magaalada Burco iyo dadka ku dhaqan. Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi waa mid qofkii aan hore u arag ula ekaanaya Garoon-Kubbadeed Xaafad ku yaala oo dhallintu ku ciyaarto, sababtoo ah, waxa ka baxay oo si teel-teel iyo taag-taag ahba uga cagaaray Dhir kala duwan oo uu ka mid yahay Geedka Garan-waaga loo yaqaanaa.
Waa mid Jihooyinkiisa qaarkood ay degan yihiin Guryo Dadweyne ku dhaqan yahay. Taas ayaa muuqaalka guud ka dhigaysa mid qofka aan hore u aqoonin maankiisu aanu qaadanayn in uu yahay Garoon Diyaaradeed. “Ma jiro Madaar oo Diyaarad noo timaaddaba maanu arag oo waadigaa arkaya sida Dhirtu uga baxday. Waliba waxa jira Sees laga dhistay halkii Diyaaraduhu ka soo dagayeen.” Waa qaar ka mid ah Weedho uu mid ka mid ah dadka Magaaladaku dhaqani ku cabbiray aragtidiisa la xidhiidha Madaarka. Hase ahaatee, waxaanu arrintaa wax ka waydiinay Maayarka Magaalada Burco Maxamuud Xasan Dhego-laab. “Garoonku Diyaaraduhu Dhulkiisii wuu joogaa oo hore wuxuu u ahaa 500-Mitir, waxa loo reebay hadda 300-Mitir, Kaabadaana ku jira oo waa la ilaaliya, balse shaqo badani kama socoto. Sababtoo ah, Diyaarado yar-yar oo Shan qof qaada, ayaa yimaadda, mase jiraan Diyaarado waawayn oo yimaadda. Hase ahaatee, Siyaasad ahaan Wasaarad bay hoos tegaan oo ka masuul ah Siyaasad ahaan oo ay ku shaqaynayaan Siyaasadeedda.” Ayuu ku jawaabay Maayarku. Waxaanu xusay in loo baahan yahay daryeel lagu sameeyo Madaarka, isla markaana wuxuu ka marag-furay in waqtiyada Roobku da’o aanay jirin Diyaarado yimaadda iyo shaqo ka socotaa toona.  Sababtoo ah, Garoonku waa Ciid aanay suurtogal ahayn inay Diyaaradahu yimaaddaan. “Haddii imika ay ICOA hagaajiso oo la dhiso, Neefka hadda halkan (Burco) laga qaado isla halkan ayaa laga rari lahaa, halka imika inta uu imika baxo uu Caawa Berbera tego, isla markaana uu dib u soo noqonayo. Dadka iyo Hilibkaba halkan ayay ka qaadi lahaayeen haddii la hagaajiyo, dadkana waa ku dhib marka ay DIyaaraddu baaqato, oo tusaale ahaan, marka Roob da’o, xitaa Diyaaradaha yaryari ma yimaaddaan.” Ayuu intaa raaciyay Maayarku. Waxaanu ka warbixiyay arrinta dhismaha Seeska iyo degaammada dadka ku xeeran ee hareeraha Madaarka degay. “Halka Seeska laga jeexay waa Xerada Madaafiicda dhabarkeeda ee maaha Madaarka, waxaana jeexday Nin Milatari ka mid ah, markay Xero Ciidan tahayna, Ciidankaa ku shaqo leh, hase ahaatee Anaga Mulkiyad nagama haysto, waana laga joojiyay.. Balse, Madaarka 300-Mitir waa halkoodii oo dhinaca Bari waxa laga taagay Kaabado dhaadheer, Galbeedkana Kaabado yaryar…Dadka degan hareerahiisu badankoodu waa Ciidan, inkasta oo uu Shacab ku jiro, balse way ka baxsan yihiin 300-Mitir ee Garoonka. Markii horena, waxay ahayd 500 oo Mitir, balse waxa 300 Mitir ku soo celiyay ee ka dhigay Wasiirkii hore ee Duulista oo anigu kumaan soo gaadhin.” Ayaa ka mid ahaa hadaladii Maayarka Burco.
Cid kastaaba ha lahaato Masuuliyadda dayaca Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Burco’e, waxa la qirsan yahay in uu yahay mid dayacan, una baahan daryeelkii Madaarnimo.
Sidoo kale, waxa iyana aan layska Indho-tiri karin dayaca ka muuqda Dugsigii Farsamada Gacanta Burco oo weli burbursan, kaas oo sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada oo aan la sheekaystay, gebi ahaanba meesha ka baxaya oo uu Dhismihiisu baaba’ayo haddaan wax laga qaban.
Lacagta Giimbaarta ah oo hore Wasaaradda Maaliyaddu Miisaaniyadda Qaranka ugu dartay Kharashkii lagu bedeli lahaa, ayaa iyana ah mid weli Magaalada Burco ka ah laf-dhabarta Ganacsiga. Welina ma muuqato wax ballan-qaad ka badan oo ay Xukuumaddu kaga talo-gashay bedelaadda Lacagta Giimbaarta Shilin Soomaaliga ee ka shaqeeya Gobollada bariga dalka.
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan adeegyada Bulshada ee Burco, ayaa dadka qaarkood dhaliilsan yihiin, marka laga reebo Hay’ado Dawladeed oo tiro yar oo ka hawl-gala. Waxaanay Xukuumadda u jeedinayaan baaqyo marka laysku soo duubo nuxurkoodu yahay in Burco iyo guud ahaan Magaalooyinka kale ee Gobolka Togdheer loo baahan yahay in Xukuumaddu dib u eegto Siyaasadaheeda wax-qabad ee ku aaddan.

Barkhad M. Kaariye
kaariye104@gmail.com
Hargeisa, SOmaliland

No comments: