" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Somaliland: U-tartanka Maxbuusnimada!!

Monday, September 5, 2011

Somaliland: U-tartanka Maxbuusnimada!!

F.G: Qoraalkan waxaan qoray 18 Apr 2010 oo ahayd wakhtigii diyaar-garowga doorashadii madaxtooyada Somaliland. Maanta ayaadse mooddaa inay arrintani taagan tahay.

Afku waa cagaar, indhuhu waa casaan, dibnuhu waa qallayl, Ttmuhu waa cawlaan, caguhu waa boodh. Shaadhka badhammada laabta ayaa u furan, wuu xiiqsan yahay, diifta iyo diihaalka dushiisa saaran wuxuu u muuqdaa qof suudal aan sahay lahayn socday muddo sanado ah. Faarax Maxamed waxa maankiisa ka guuxaya oo uu u xiiqsan yahay aragti aanu kali ku ahayn, balse ragaadiyay in badan oo bulshada ka mid ah. 


Wuxuu geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuushan yahay in aan laga helin faanka dabarka horumarka iyo hormoodka dib-u-dhaca ee Qabyaaladda ah. Wuxuu la hadlayaa oo waqtigaa marxaladda degannaansho-la’aanta iyo harraadka kula jira mid ka mid ah dadka ay isku aragtida yihiin. “Ma inaga, yaa ina gaadhi kara, ina-adeerkeen markaynu soo saaro ee aynu dalka u talino ayaad arki doontaa.” Ayaa ka mid ahaa dhuuxa hadalkiisa uu sida taag-taagga ah doonayay in uu ugu raarido saaxiibkiisa la socda. “Ma inaga ayuu ina-leeyahay horeba waanu idiinka helnay, haddana waanu idinka guulaysanaynaa, ina-adeerkayana waanu soo saaraynaa.” Ayuu intaa raaciyay, isaga oo u muuqday in uu ka jawaabayo odhaah ay cuskadaan in badan oo kale oo ka mid ah Bulshada saaran Faraska Qabyaaladda iyo xigtaysiga.

Isuma arko in isaga, inta la wadaagta fikraddaas iyo inta qabta aragtida kale ee ka horjeedda ee ah yaan Ina-adeerkaa Kursiga laga kicinba, ay ku joogaan Jid gebogebadiisu ku dambayso qarfo iyo danaysi aan meel gaadhin, isla markaana ay saxsan yihiin inta mabaadii’, nidaam iyo afkaar ku raacda cidday dooranayaan. Hase yeeshee, waxa u muuqata in uu ku dheggan yahay in aan laga helin kaftanka Qabyaaladda ku salaysan, caddadka yar ee maalmo kooban la cunayo iyo sacabbo-tunka saacadaha kooban ee soo-dhawaynta loo samaynayo.

Faarax Maxamed wuxuu yaqiinsan yahay in uu ku taagan yahay Jidka nidaam ku cusub Somaliland, balse la doc-faruuray. Wuxuu rumaysan yahay in uu hayo hilinka Dimuqraadiyadda oo isaga ula muuqata in ubucdiisu tahay in qabyaalad cid lagu raaco.

Dabcan, horena wuu ugu soo dhaqmay, imikana waa u diyaar in uu doorasho u soo baxo oo uu si qarsoodi ah codkiisa ugu rido cidda uu doortay, sifahaas ayaanu aaminsan yahay in ay tahay xaqiiqda Dimuqraadiyadda rasmiga ah ee uu isagu ku dhaqmayo, hase yeeshee, bulshada uu ka mid yahay ee aragtida qaldan aaminsani waxay u jihaysan yihiin taa cakiskeeda oo ah in la gawl-gawlo nidaamka curdinka ah ee dalka laga hirgeliyay. La-yaab kuma mudna in ay qayb ka mid ah nidaamka aanay cidi ka dhaadhicinin ee la qaatay doc-jeexaan, balse, waxa xusid mudan in loo adeegsaday qaab aan ahayn middii ku habboonayd. 

“Waar niyow horta ninkan aad inagu waashay maxaynu ugu codaynaa?” ayuu sheeko saldhiggeedu humaag yahay oo ay in muddo ahba isu-dhiibayeen dhextaal uga dhigay ninkii ay Faarax Maxamed wada socdeen. Waa su’aal haddii in badan oo Bulshada ka mid ahi isu-weydiin lahaayeen sida saxda ah, ugana fikiri lahaayeen jawaabta ay mudan tahay, ay kaga gudbi lahaayeen doonista iyo doorashada ku salaysan qayr-ka-hadhka. Faarax ismaba dhibin, ee isaga oo ay maankiisa ka guuxayso jibbada reernimo iyo nidaamka ku dhisan hebel ha la bedelo oo hebel kale ha lagu bedelo ee ka durugsan nidaam ha la bedelo, wuxuu si sahal ah ugu tiraabay oo uu yidhi, “Alla! Waar miyaad waalan tahay, soo ina-adeerkeen maaha, lacagna wuu haystaa. Marka uu talada qabtana wax badan buu inoo qabanayaa”. Waa dhuuxa hammiga iyo dheeha rejada in badan oo uu Faarax ka mid yahay in mar uun ay arkaan nin ay isku hayb yihiin oo talada qabta, iyaga oo tartan kula jira inta kale ee iyana qabta in aanay dhaayahoodu marna qaban Siyaasigooda oo taladii lagala wareegay oo laga guulaystay.

Xaqa aasaasiga ah ee Dastuurku siiyay Bulshada ee ay leedahay ayay ka mid tahay in qofku wax doorto, lana doorto. Balse, taa macnaheedu maaha in uu ku raaco hayb, eex, qabyaalad iyo qawl jaan. Taa macnaheedu maaha in uu ku taageero maalin-dagaal, maalin-qayil, macno-la’aan iyo miyaad ku xumaysid. Hase yeeshee, taa bedelkeeda, caqliga ka fayow cudurada ku dhaca maanka iyo garashada ee qabyaalladdu horseedka u tahay wuxuu garan karaa in garasho, xil-gudasho, aqoon, wax-qabad, nidaam, qorshe iyo u hayaanka hilinka toosan lagu doorto qofka tartan doorasho ku jira.

Waa bulsho ku sugan nolosha dabaqado kala sarreeya oo qaarkood baahan yihiin, dhaqaale ahaanna maalin qada, balse aanu ka madhnayn xinka iyo xoogga qabiilku.

Siday isugu maaweelinayeen khiyaalka ku dhisan horumar-la’aanta, ayaa la gaadhay goobtii qasdigoodu ahaa. “Soo fadhiista, maxaad isla garateen qoladii? Goormaa xafladda la qabanayaa? Ma Hudheel baa mise waa Xafiiskooda?” iyo weydiimo kale oo la hal maala ayaa Gole lagu sugayay natiijada sahankii ay ku maqnaayeen ku qaabilay Faarax iyo saaxiibkii. Umay degdegin jawaabta su’aalahaas, sababtoo ah Faarax oo ah afhayeenka sahanka, isla markaana ka mid ah dadka loo tiriyo inay qabyaaladda ka sokow, caanka ku ah inay macaash ka raadiyaan wararka salka ku haya caaddifadda qabiilka ku salaysan ee lagu badhxayo Dimuqraadiyadda iyo Doorasho la galo, ayaan diyaar u ahayn in uu sahalkaa sara-joogga kaga jawaabo.
 
Aaraar, afeef, hordhac iyo ibo-furasho hadal ka dib, wuxuu Faarax Golihii ka sheegay inay fuliyeen baytal-qasiidkii loo diray oo ahaa in ay Xisbi hebel ka soo dhaadhiciyaan in ay hayaan dad ku biiraya, sidaa darteed, xaflad loo qabto oo lacag la burburiyo loo diyaariyo. 

“Haaa, waa sax, waxaanaynu u baahanahay in aynu soo ururino dad aan hadhow marka xafladdu dhammaato lacag iyo daalac kale toona aan inoo raacayn.” Ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii madasha fadhiyay. “Waa run, oo waliba u badiya Caruur iyo Haween ku qancaya Sharaabka markaa xafladda lagu siiyo, sacabkana aad inoogu tuma.” Ayuu mid kale ugu jiibiyay. “Laakiin, hebeloow adigu waxaad ka mid tahay afarta qof ee safka hore fadhiisanaya ee Kamaraddu qabanayso, ileen waa in aynu isu-dhignaa dad Xisbi ku biiray oo Xisbi kale ka soo baxaye.” Ayuu mid kalena talo ahaan ugu darsaday shirkii. “Balse, hadda ha iloobina in Xisbigan kaliya aynu wax kaga cunayno oo kii Inaadeerkeen aynu codka siinayno.” Ayuu Faarax oo la sara-kacay jibbadii Qabyaaladdu ku dardaarmay. “Waar maxaa kula yaabay, waar maad iska shaqaysan, ileen way caddahay inaynu kaa is-hurranahaye…” Ayuu hadalba ku soo af-meeray mid ka mid ah hoggaankii Shirku.

Shirkii la gunaanad, go’aanna lagu gaadh in la qaado tallaabadaa muddooyinkii u dambeeyay ah qaabka kaliya ee Xisbiyadu wax ku bixiyaan. Waa hubaal inay u hirgalayso, waanay u hirgashay, isla markaana sidii ay doonayeen ayay Lacag uga qaateen Xisbigay humaagga u dhigeen.

Faarax iyo kooxdiisa oo kaliya maaha kuwa xeeladdaa adeegsada, hase yeeshee, waxa ka badan inta xeeladdaas iyo kuwo la mid ah Siyaasi, Xisbi iyo masuul kaleba la beegsada.

In Xisbi lagu biiro, mid kalena laga baxaa waa duruufaha loo tiriyo tabaha siyaasadda, balse gaadhay meel aan lagu wadin markii hore, balse bulshada qaarkeed geyeysiinaysa in ay doortaan cidda dhaqaale ahaan roon, balse aanay dooran cidda sida Ilaahay raallida ka yahay u hagaysa. Waxaana loo baahan yahay in Bulshada cod iyo taageero lagaga raadiyo hab kaa ka duwan.

Xisbiyada siyaasaddu waxay u tartamayaan jagooyin iyo mansabyo kala duwan, hase yeeshee, waxa xusid mudan oo la tilmaamaa Jagada Madaxweynenimo oo ah ta hirdanka ugu badani ku dhex maro Xisbiyada. Isla markaana mararka qaarkoodba keentay rabshado sababay dhimasho, dhaawac iyo khasaare kaleba.
 
In loo tartamo Jagada Madaxweynenimo waa mid ka mid ah tiirarka Doorashada iyo Dimuqraadiyadda, lagana dheehan karo maamulka iyo hoggaanka dal jira. Waa mansab sida uu u culus yahay laga dheehan karo halka uu taagan yahay, ahna halka u sarraysa ee Qaran jira. Waana Muraayadda Dawladnimo.
 
Waa Xarunta Madaxtooyada, waxa qofka aan hore u arag Indhihiisu qabanayaan Ciidamada xad-dhaafka ah iyo habka nidaamka u baahan ee ay ilaalada ugu jiraan. “Maalin walba markaan hormarayo, waxaan moodaa Xero Ciidan.” Waa aragti ay bixisay hooyo ka mid ah kuwa ku dhaqan Hargeysa oo cabbiraysay aragtideeda la xidhiidha arrintan. “Tolow maxaa caddibay, miyay hab sidan ka asturan ilaalada u galaan. Ileen Madaxweynihii waa tan oo maxbuus bay ka dhigeene.” Ayay intaa raacisay Hooyadani.

Dadka qaarkood ayaa Hooyadan la aaminsan aragtidan. Waxaanay qabaan fikrado iyo weydiimo qaarkood ay jawaab u la’yihiin. “Maxaynu odhan karnaa Doorashada Somaliland waa loo tartamayaa, ma Maxbuusnimaa, mise waa ammaanada Umadda in qofku dusha u rito?” sidaa waxa yidhi Axmed Salaan oo ka mid ah waayeelka dhegahoodu ka bateen arrimaha Doorashada iyo xaaladaha ku gedaamani. Waa mid ka mid ah waydiimaha qofka ku dhasha markay u fiirsadaan xaaladaha qaarkood, waxaana taa bar-bar yaalla waydiimo aan ka fogayn.

Gebogebadii, haddiiba Madaxweyne Rayaale talada dalka dib ugu guulaysto iyo haddii lagaga guulaystaba, jawaab ma loo helayaa waydiinta kor ku xusan, waxse ma iska bedeli doonaan nidaamka ilaalineed ee Madaxda Qaranka oo uu Madaxweynuhu u horreeyo, sida Ciidanka tirada badan ee argagaxa abuuraya, Tiknikada anfariirka horseedda iyo hab-dhaqanka kale ee ku lammaan? Aynu jawaabta u dhaafno intay khusayso iyo Bulshada.

Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.

No comments: