" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Yaa ka wanaagsan?

Tuesday, September 6, 2011

Yaa ka wanaagsan?


Wuu sii jeedaa, sii Jeedkiisa ayaana muujinaya daranyada oogadiisa ka muuqata. Qofka dhabarkiisa soo socda wuxuu ula muuqdaa in uu kambadhuudho, balse mana kuududo, mana kadaloobo. Wuxuu si nasasho leh lugaha ugu fidsaday dhulka. Shaadhkiisu dhabarka ayuu jeexan yahay, waxase ka hooseeya maro kale oo malahayga aan u qaatay Garan, sababtoo ah Jidhkiisu ma muuqan.


Agabka duugga ah ee hareerihiisa ku daadsan ayaa ku siinayay sawir ah in aanu maskaxiyan dhammayn. Caag, sharabaaddo, maro hun ah iyo kabo kala jaad ah, ayaa ku xayndaabnaa. Waa Ramadantan (August, 2011), waana wakhtiyada u dhaxeeya Salaadda Cishaha iyo Salaadda Maqrib. Waa suuqa Hargeisa badhtamihiisa, dhawr tallaabo marka laga socdo Masjidka Cali Mataan, meel u dhaxaysa Masaajidka iyo Sarta dheer ee Dahabshiil. Waxa hareera maraya dad, gaadiid iyo Xoolo intaba, kuwaas oo cagtoodu u maraysay masaafo mararka qaarkood aan u qabay in ay ku istaageen. Meel halkeer ah oo garabkiisa midig ku beegan, waxa ka qaylinaya Rag ku dhawaaqaya Qiimaha Jaadka, waxay hadba xidhmo Jaad ah kala soo boodayaan oo ay ka soo dhufanayaan Jawaan duuban (Baag) oo Miis halkana yaalla, waxaanay kula soo ordayaan hadba qofkay u muuq iyo il-gartaan in uu Jaad doonayo. Iyaga laf ahaantoodu, hadba way ka dul lalayaan oo waxaad mooddaa inaanay arkaynin ninkan dhan ee meesha fadhiya. Isagase kama qasna oo saxmaddaasi waxay qiyaastayda uga dhignayd waxaan jirin. Madaxiisu in badan ma muuqato, balse waxaan arkayay qadaadkiisa, maxaa yeelay inta kale way foorartay, mase arkayn wuxuu ku fooraray.


Gartay in uu wax ku dhaygagsan yahay, labadiisa gacmood iyo Madaxiisuba ku maqan yihiin. mase arkin waxa uu yahay, waayo meel dhabarkiisa qumaati kaga beegan ayaan kaga aaddanaa. Aniga oo u degdeggaya in aan arko waxa ninkani ku gama’san yahay, ayaan tallaabada si boobsiis ah u qaaday, dhawr qof isku dhacnay, balse iima muuqdaan waxaan ahayn in aan arko waxa uu ninkani ku foogan yahay, waanse dareemayay dhawr qof oo inta aanu Garabka isku dhufanay, qaarkood eegmo dagaal huwan iga daba keenayaan, qaarnoodna haaraan hadal ku ladhan yahay iga soo daba tuurayaan. Waxase aniga ii muuqday meel indhahaygu ku maqnaayeen oo ahayd in aan ka war keeno.


Socodkaygu wuxuu kaga beegmay dhinaca bidix, markasta oo aan u sii dhawaado oo aan is-idhaahdo hadda ayaad arkaysaa wuxuu gacmaha ku haystaba, waxa uu isu-barbarinayay dhinaca Midig. Waxaan u qaatay in uu ila socdo oo uu aniga iga malmalayo waxa uu haysto, hase ahaatee, ma ahayn. Wuxuu isu janjeedhinayay dhinaca midig, sababtoo ah, waxa uu rabay in uu Iftiinka dhinaca midig ka xiga ee Jaadka lagu iibinayo ku arko shayga uu hayo ee aan anigu u jeellanaa in aan la arko. Cabbaar yar ayaan ku mashquulay in aan ka bogto Wejigiisii iyo soo-jeedkiisii, sababtoo ah, sii-jeedkiisa mooyaane ma arag wajahaddiisa. Hase yeeshee, taasi ma hakin tiigsigaygii. Lugihiisu waxay ku fidsan yihiin Dhulka oo dirri ah, Kab bilaa sharabaad ah oo Buudh ah ayuu lug gashan yahay, lugta kalena Sharabaad bilaa kab ah ayuu xidhan yahay. Si qumaati ah, ayaan isu-hortaagay, aniga oo masaafo ka yar durkay, si aanu u dareemin dhugashadayda. WAXAAN ARKAY WUXUU KU FOORARAY!!! Wuxuu si dangiigsi ah labada gacmood ugu hayaa oo aad mooddaa in uu ka ilaalinayo in uu dhaco Kitaab Quraan ah oo xaqiiqdii u muuqday in uu yar daranyaysan yahay isaga laftiisu. Wuxuu labada sacab ugu xejinayay sidii uu Jaldigu ka dhacayo Kitaabka, wuxuuse si dhugasho leh indhaha ugu hayay sadarada iyo xuruufta Quraanka ee ku daabacan Bogga Kitaabka ee markaa kala furnaa. Afkiisa ayaan eegay, wuu dhaqdhaqaaqayaa, waxaanu si taxaddir leh u hakinayaa akhriska. Ma garan karo suuradda uu akhrinayay, sababtoo ah, toos uma arki karayn, balse bogga furan ee Kitaabku wuxuu ahaa badhtamaha Kitaabka. Qiyaastayda Jisaska 14 ilaa 15 ee Quraanka. Waan ku dhawaaday, si aan u hubiyo akhriskiisa, mise waxa dhegahayga soo gaadhay aayado ka mid ah Quraanka uu akhrinayay.

Inkasta oo aan wakhti yar taagnaa oo aan ka bogtay, haddana waxaan isweydiiyay ninka haddii dadka la waydiiyo ula muuqanayay in uu Xanuusanayo ama waalan yahayba – sida aynu nidhaahno, ee haddana Qawlkii iyo Kitaabkii Alle (SWT) xiskiisu siiyay in uu akhriyo iyo sida dadka qaar loo qabo in uu Xiskoodu dhan yahay ama ay miyir-qabaan ay uga tageen Cibaado iyo Quraan-akhris labadaba.

Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.

No comments: