" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Madaxweyne, isbedel ma sidan baa?

Monday, September 5, 2011

Madaxweyne, isbedel ma sidan baa?



October 18, 2010


Waa gedaha 60-jirka, timaha madaxa ma jirto tin kaliya oo madow, taa bedelkeedana waa Caddaanka badanaaba astaanta u ah da’da. Waxa uu taagan yahay badhtamaha Jid ay gees kasta ka dhaafayaan Gaadiid tiro badan, inkasta oo uu u muuqday inay isagu istaagay, haddana marka loo gundo-dego sababta goobta taagtay, waxa muuqanaysay in lagu qasbay in uu istaago. Waxa ku urursan Ciidan tiro badan oo qaarkood cadhada ka muuqata ay kolba la haabanayaan inay gacan ula tagaan oo ay garaacaan. Waxay Ciidanku u eg yihiin inay xeerinayaan astaanta guudkiisa saaran ee Cirrada ah, hase yeeshee, xeerintaasi ma noqon mid sii taagnaata. “Maxaad ka eeganaysaan waxan miyaad Qadha (Kabaha waawayn) la dul martaan,” ayaa ahayd bar-bilowga illowshiyaha Ciidanka ee da’da uu jiro Waayeelka ay ku urureen, taas oo kalliftay in qaarkood ay dhirbaaxaan, isla markaana ka qaadaan Furaha Gaadhigii uu watay.


Goobtu waa Isgoyska kala qaybiya Jidadka Madaxtooyada iyo Cusbatalka hormara iyo jidka taga Maxkamadaha ee hor mara Wasaaradaha dib-u-dejinta iyo Arrimaha dibedda. Walow ay Ciidamada ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka oo goobta joogay ay ka qayb ahaayeen Ciidanka ku ururay waayeelkan, haddana waxa ka faddalo-caddaa oo gacanta ku bilaabay Ciidamo isugu jira kuwa Booliska iyo Ciimada Ilaalada Madaxtooyada. Dhirbaaxo madaxa kaga dhacday, ayaa sababtay cadhada waayeelkan, waxaanay taasi keentay in uu tuuro Telefoonkiisii Gacanta.

Inkasta oo sida loo aflagaadaynayo, hanjabaadda iyo gacan-ka-hadalka meesha ka socdaa ay qofka aan ka war qabin ula muuqanayaan in ay meesha taallo arrin culus, haddana waxa kaliya ee laysku maan-dhaafay kaliya waxay ahayd in aanu u hoggaansamin amar lagu siiyay in uu Gaadhiga uu watay oo meesha marayay hore u kaxeeyo. Dad kale oo shacab u badan ayaa ku urursanaa goobta, iyaga oo qaarkood ay doonayeen in ay helaan xogta rasmiga ah ee dhacdada aloosan, halka kuwo kalena ay ka dhur-sugayeen inay ogaadaan halka ay ku dambayso arrinta meesha ka taagani. “Waar ka daaya, miyaydaan arkayn waa nin wayn ee wixii lagu haysto ha kala xaalaan Ciidanka nabadgelyada waddooyinku, balse Booliskiina kale ka daaya odayga,” waxa ereyadaas gurmad ahaan ugu tiraabay, isaga oo kala dhex galaya Odayga iyo Ciidankii ku urursanaa Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada, hase yeeshee, gurmad ku filan inay Ciidanka ka kala celiso Odayga uma noqon, waxase taa cakiskeeda ay Ciidankii Odayga ku xoonsanaa ay ku dareen xitaa xildhibaankii inay aflagaaddo u raaciyaan. Halka Ciidanka qaarkiina ay u holladeen inay gacanba ula tagaan. Waxa goobta isa soo taagay mid ka mid ah hoggaanka ama Taliyayaasha Ciidamada Booliska oo dhexdhexaadin ka galay arrintii. “Waar siiya Furihiisa (Odayga), idinkuna shaqadiina qabsada,” ayuu ku amray Ciidamadii goobta joogay. Hase yeeshee, taasi ma noqon mid hakisa aflagaaddadii ay Ciidamadu ku hayeen Xildhibaanka, iyaga oo ku daray markii dambe dadkii iyana goobta ku soo xoomay.

Qaybtii 2aad
Sanad ka hor & muuqaallada is-shabbaha ee Madaxtooyada
Xikmaddu maaha in tacaddi lagula kaco shacab, qaarkood ay ka tirsan yihiin Golayaasha Qaranka, hase ahaatee, waxa ay tani xuddun u tahay ficil muujinaya in aanay is-waafaqin hadalladii iyo odhaahyadii ay masuuliyiinta Qaranka ee uu Madaxweyne Siilaanyo u horreeyaa ay u ballan-qaadeen shacabka intii ay ku jireen Ololihii Doorashada iyo dhaqamadda cusub ee Ciidamada iyo laamaha kala duwan ee Dawladda ee haddu. ““Waxaanu diyaar u nahay in aanu wax ka bedelno nidaamka xukuumadda ah ee dalku ku sugan yahay, Caruurtii oo badda is-dhigta, shaqo-la’aan, Hanjabaad joogto ah iyo wax-qabasho la’aan..In aanu isbedel dhab ah ku keenno dalka oo aanu ka bedelno Dawladda hadda oo muddo siddeed ah dalka joogtay, waxaananu doonaynaa in aanu wax ka bedelno waxa uu ka baaqsaday ee uu qaban waayay iyo habka uu u dhaqmayo,” waa weedho ka mid ah hadal uu maalinnimo Jimce ah, bisha June ee sanadkani ay ahayd 4 uu Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaa codsi taageero-raadin ah shacabka u jeediyay uu ka yidhi Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo maalintaa ay isugu yimaadeen taageerayaal tiro badan, “Wallaalayaal waxa barnaamijkayaga ku cad oo aanu ballan-qaadaynaa in dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aan xuquuqdooda lagu tacaddiyin..Waxa dadka lagu bajiyaa in aanu wax xidh-xidhi doono, in aanu wax dili doono iyo in aanu wax ku tacaddiyi doono. Anagu kuma talo jirno in aanu cidna wax u raacno, waxaanu ku talo jirnaa in aanu xuquuqda dadka ilaalino,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay maalintaa Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaa Murashaxa Jagadan uu hantay ahaa.  Waxase isweydiin ah, taasi ma fushay? Akhriste adigaa u horreeya dadka jawaabta su’aashaasi dul-sudhan tahay.


Ficillada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Madaxtooyada ka soo fulaya ee ay in badan ka hadleen wakhtigii ay iyagu codka uga baahnaayeen shacabka, isla markaana ay dhaleecayn jireen, ayaa tiradoodu isa soo taraysaa maalinta maalinta ka dambaysa.

Xisbigii shalay dadka codka waydiisanayay ee KULMIYE, ayaa intii lagu gudo jiray ololaha doorashada iyo ka horba waxa inta u badan ee uu dhaliishiiisa u cuskan jiray falal ay wakhtigaa u arkayeen in ay meel-ka-dhac ku tahay Warbaahinta. Waa ficil ay Madaxtooyadii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin kula kacday Warbaahinta.

Akhriste, si aynu is-barbar-dhig u samayno, aynu dib ugu noqono sanad iyo badh ka hor, wakhtigii uu madaxweynaha ahaa Rayaale iyo dhacdo ka dhacday Madaxtooyada Somaliland oo aan wakhtigaa shacabka u soo gudbiyay.  ‘Waa abbaaro 11:00 fiidnimo ee habeennimadii 26 September 2009, waxaan ka mid ahaa raxan Suxufiyiin ah oo u degdegsanayd inay ka qayb-gasho hadal duruufi keentay oo waqtigaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ka jeedinayay Qasriga Madaxtooyada. Inkasta oo aanu diyaar u ahayn in aanu marno nidaamka baadhista iyo hubinta qof kasta oo ka gudbaya Jidka hormara Madaxtooyada iyo Irridaha kala dambeeya ee Hoygaas, haddana taa layslama gaadhin.

Intii aananu gaadhin Kaabadaha hore ee Aqalka Madaxtooyada oo aanu maanka ku haynay inay noqon doonto bar-bilowga baadhista aanu hubnay inay naga horrayso, ayaa mid ka mid ah Askarta Ilaalada oo waqtigaa feejignaa dhawaaq dheer nagu joojiyay. “Istaaga..!!” ayaan ka sii xusuustaa ereyadii uu ku dhawaaqay. Istaagnay oo garanay in amarku ka soo yeedhayo guluc madow oo aanay noo suurtogalayn in aanu aragno qofka dhawaaqaya, Khashaafad wayn oo araggayaga daciifisay awgeed. Nagu soo socoy, si himbiriirsi ah qaar badan oo naga mid ahi ugu fiirsade qofka dhawaaqay iyo Codadka badan ee ka ag-jiibinayay. Waaba Askari Laabta Qori si taxadir ugu xambaarsan, dhawr tallaabana xaggayaga ugu soo hinqaday. Nama warsan, su’aalana namaba waydiin oo kamaanu helin waxaanu ka filaynay. Laakiin, wuxuu si fudud oo aad mooddo in uu ballan hore qabay ugu tiraabay, “Iska noqda..noqda”. Waxaanu isku daynay in aanu ku qancino cidda aanu nahay iyo qasdiga dantayada. Iskumaba lurine, wuxuu haddana mar kale si sahlan noo yidhi, “Maya Adeer, iska noqda Saxaafaddii loogu talo-galay way gashaye.” Wuxuuna noo raaciyay in kuwayagii noogu horreeyay uu dib noogu soo riixo. Is-eegnay intayadii wada-soconay, haddana isku qancinay in uu ballan qabo. Sidaa darteed, waxaanu go’aansanay in aanu iskaga laabano. Waxaanu dib ka ogaanay in 4 Hay’adood oo kuwa Warbaahinta ka mid ah si gaar ah loogu casuumay hadalka uu jeedinayay Madaxweyne Rayaale.’

Qaybtii 3aad
Aynu dhacdadaas barbar-dhigno dhacdadan kale, waxa dhacdadaas ka soo wareegay sanad, bil iyo 16 maalmood, si kale aan u dhigee, waa 13 October, 2010. Goobtu waa isla madaxtooyada, balse farqigu yahay inay joogaan CIidan kuwii hore aan ahayn, Masuuliyiin cusub iyo Madaxweyne shalay isaga oo mucaarad ah ku doodayay in uu isbedel samaynayo. Waxaan ka mid ahaa raxan Suxufiyiiin ah oo u socday inay ka qayb galaan kulan Warbaahinta loogu yeedhay oo uu Madaxweyne Siilaanyo la lahaa Wefti sare oo ka socda Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, kaasoo ka dhacay Madaxtooyada, hase ahaatee, waxaanu in badan oo ka mid ah Suxufiyiintayadii madashaas gaadhay ka mid ah loo sheegay in aan Liiska Magacyada Hay’adaha Warbaahinta ee meesha la dhigay aanay ku jirin, taas oo macnaheedu ahaa in aan loogu talo-gelin in ay galaan Madaxtooyada oo warbaahinta qaar ka mid ah uun loo baahnaa, kuwaasina ay galeen. “Adeer iska noqo, magacaagu kuma jiro Liiska” ayaa saldhig u ahaa nuxurka weedhaha ka soo fuliyay Askarigii wakhtigaa gacanta ku hayay Liiskaas. Akhriste, qiimee sanad, bil iyo 16 maalmood ka dib oo ay talada qabteen masuuliyiinta KULMIYE iyo Madaxtooyo uu Afhayeen ka yahay Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ma isbedel baa dhacay, mise waxa la hayaa jidkii wakhtigaas ka hor ay ku dhaqmaysay Madaxtooyadii uu Afhayeenka ka ahaa Siciid Caddaani Mooge. Akhriste adigaa u horreeya dadka jawaabta su’aashaasi dul-sudhan tahay!! Waloow, cudur-daar ahaan loo sheegay in cidda qortay Liisku ay gaar u tahay tallaabadaas, haddana marnaba ma noqon karto cudur-daar kaafiya inta u heellan xorriyadda Saxaafadda. Sababtoo ah, shalay waxay masuuliyiintii shacabka Codka ka doonayay ee maanta talada hantay ku hawl-galayeen ee ay Ololaha ugu jireen dhaliilo ay u cuskanayaan in Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale hoggaamiyaha ka ahaa ay u badnaayeen rag haya shaqo aanay lahayn. Sidaa darteed, shacabku ma ku qanci karaa wixii shalay u muuqday dhaliishu in ay maanta noqoto dhaqan la jaan-qaada xukuumadda raad-baradka ah?  “Xisbiga Kulmiye wuxuu idiinka marti yahay in aad taageeradiina na siisaan, dalku maanta wuxuu u baahan yahay Isbedel, in laga bedelo maamulkan aan wuxuu dalka u qabtay iyo wuxuu u soo kordhiyay toona jirin. Maamulkan ku tuntay xorriyadii, horumarkii dalka iyo waxqabadkii ay umaddu u baahnayd. Waxaynu u baahannahay in aynu ku bedelno maamul wax tara oo wax qabta oo u kaca Umadda iyo baahiyaheeda, dhinac ay tahayba….taa ayaa maanta Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay. Waxaanu idiinka marti nahay in aad gacan nagu siisaan,” waa qayb ka mid ah Khudbad uu Madaxweynaha hadda, Guddoomiyihii hore ee KULMIYE oo wakhtigaa dalab aan kala go’ lahayn dadka ugu gudbinayay in ay doortaan uu ka jeediyay Fagaare ku yaala magaalada Arabsiyo 07/06/2010. aynu mar kale eegno dulucda khudbad kale oo uu isla maalintaa Siilaanyo ka jeediyay Magaalada Gabiley oo uu ku yidhi, “Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay in uu wax ka bedelo qaabka uu maanta dalku ku socdo…” wali waa waydiin taagan, Akhriste hadalka Madaxweyne Siilaanyo iyo hab-dhaqanka xukuumaddiisa ma is-waafaqsan yihiin?

Ka hor intii aanay Madaxtooyada gelin masuuliyiinta hadda talada hayaa ee ay ku jireen marxaladdii Mucaaradnimo, waxay shacabka badankiisa oo ay jibbada isbedel-doonku haysay ay had iyo jeer dhaliil ahaan ugu jeedin jireen Madaxweynihii xilka ka degay Daahir Rayaale Kaahin in aanay soo war-celin guddi kasta oo uu arrin u saaraa, taas oo macnaheedu tahay in ay Guddiyadii uu magacaabi jiray Rayaale looga baahnaa inay talo iyo tusaaleba ka soo celiyaan shacabka iyo Dawladdaba. Sidaa darteed, si aynu u helno sawir buuxa oo daaha ka faydaya in isbedel ka yimi dhinacaas iyo in kale, aynu eegno inta Guddi ee uu muddo ka yar Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hawl, balse aan ilaa hadda badankooda talo-celintooda la haynin, qaarkood mooyaane, kuwa soo celiyayna ay u muuqato in aan lagu camal-falin talo-soo-jeedintooda. Inkasta oo laga yaabo in dadka qaarkood ku doodi karaan; yaa lagu soo celin lahaa warbixinta, haddana xitaa haddii aan warbixin la soo celin ciddii doonaba ha lagu soo celiyee, waxa wax-qabadka iyo tallaabooyinka guddiyadaasi ka muuqan lahaayeen arrimaha loo xil-saaray oo in uun isbedel ka iman lahaa.
Qaybtii 4aad:


80-maalmood ka dib dhaarintii Siilaanyo & toosinta Qalinka

Ka hor intii aanay Madaxtooyada gelin masuuliyiinta hadda talada hayaa ee ay ku jireen marxaladdii Mucaaradnimo, waxay shacabka badankiisa oo ay jibbada isbedel-doonku haysay ay had iyo jeer dhaliil ahaan ugu jeedin jireen Madaxweynihii xilka ka degay Daahir Rayaale Kaahin in aanay soo war-celin guddi kasta oo uu arrin u saaraa, taas oo macnaheedu tahay in ay Guddiyadii uu magacaabi jiray Rayaale looga baahnaa inay talo iyo tusaaleba ka soo celiyaan shacabka iyo Dawladdaba. Sidaa darteed, si aynu u helno sawir buuxa oo daaha ka faydaya in isbedel ka yimi dhinacaas iyo in kale, aynu eegno inta Guddi ee uu muddo ka yar Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hawl, balse aan ilaa hadda badankooda talo-celintooda la haynin, qaarkood mooyaane, kuwa soo celiyayna ay u muuqato in aan lagu camal-falin talo-soo-jeedintooda. Inkasta oo laga yaabo in dadka qaarkood ku doodi karaan; yaa lagu soo celin lahaa warbixinta, haddana xitaa haddii aan warbixin la soo celin ciddii doonaba ha lagu soo celiyee, waxa wax-qabadka iyo tallaabooyinka guddiyadaasi ka muuqan lahaayeen arrimaha loo xil-saaray oo in uun isbedel ka iman lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu muddo 80 maalmood ah (27 July 2010 – 18 October 2010) oo uu xilka hayay uu magacaabay guddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Guddida ka talo-bixinta arrimaha gobollada bariga oo uu magacaabay 17-kii August  2010, Guddida xaqiiqo-raadinta Ciidamadii ka soo degay xeebaha galbeed ee dalka oo uu iyana magacaabay 15/9/2010, Guddida Amniga Qaranka oo uu iyana magacaabay horraantii bishan October, sidoo kale Guddi aan iyana la shaacin oo ka mid ahaa guddiyadii u horraysay ee uu magacaabo oo loo magac-baxshay Guddida horumarinta iyo qaar kale oo badan oo aynaan xusin, kuwaas oo laba jid midkood qaaday; in aanay ka talo-celin wixii loo igmaday iyo in aan fulinta talo-bixintooda lagu dhiirran.

Waa dood dhab ah oo in la soo dhaweeyo mudan in la dhawro oo loo kaadsho, isla markaana wakhti ku filan la siiyo inta ay Xukuumaddu raad-dhaqaajiska noqonayso amaba ay socodka adkaynayso, balse taa macnaheedu ahaa in 80-ka maalmood ee u horreeya khaladaadka ay gasho oo ay u horrayso kala-jeclaysiga Warbaahinta iyo ku-dhaqankii wixii shalay umaddu diidday lagu eego. Waa waajib saaran, masuuliyiinta KULMIYE ee maanta talada hayaana ay qirayaan in Warbaahin wax toosisa la helo.

Waxa la joogaa wakhtigii uu kow odhan lahaa xisaabtanka wejigiisa hore, sababtoo ah waxa jiray ballan u yaallay Umadda iyo Mucaaradkii shalay ee ah maamulayaasha maanta. Aynu dhugano, 04 June 2010 ballan uu Guddoomiyaha hadda ee KULMIYE, balse wakhtigaa ahaa Guddoomiye-xigeenka Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi uu la galay shacabka. “Muwaadin adiga waxa lagaa rabaa, in isbedelka aad adigu iska bilowdo oo aad ka dib dalka gaadhsiiso, codkiina wax ku bedeshaan. Waa inoo iyo 26-ka June oo aynu dawlad cusub dhisano iyo idinka oo aan codadkiina la habsaamin,” ayaa nuxur u ahaa ballankaas. “KULMIYE wuxuu idiin soo wadaa Mujaahid rug-caddaa ah oo dalkiisa u soo huray naftiisa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Soo ku aamini mayno (talada dalka),” ayuu intaa raaciyay.

Haddaba akhirste, Shacabku ka soo baxe ballankii ay masuuliyiinta KULMIYE la galeen maalintaa iyo maalmo kale oo xuskooda mudan, kuna aamine xilkii iyo hoggaamintii dalka, waxase isweydiintu tahay; fulinta KULMIYE ee ballankii ay umadda la galeen, wallow ay meelaha qaarkood fuliyeen, haddana ma waxa uu yahay; in saddex bilood muddo ka yar durba ay la soo baxaan sififaale la baro-dheereeyay hab-dhaqankii xukuumaddii hore ee shalay marjada lagu sheegayay? Sida; masuul qabta shaqo aan ahayn tii uu Qaranka ugu astaysnaa, cago-juglaynta iyo haddigaadda waayeelka iyo muwaadinka shalay codka looga baahnaa iyo kala-jeclaysiga Warbaahintii shalay Ololaha lagu gelayay.

Si kastaba ha ahaatee, Khadka Qalinka iyo faaqidaadda Qormadani, ogolaanshaha Ilaahay waa mid u taagan sixitaanka tallaabooyinka maamul, siyaasadeed iyo wax-qabad ee masuul kasta oo dalkan u dhaartay ama xil loogu aaminay. Waxaananu qormadan ku soo af-meeraynaa, Madaxweyne fuli ballan-qaadkaagii 05 May 2010 mar aad Wargeyska Ogaal u waramaysay, ee aad ku tidhi,“Wakhtigaa anigu aan maanta joogo, anigoo intaasoo waay-aragnimo ah leh da’daa jooga, maanta aad wax ka dhaqatid, aad wax ka cuntid, aad wax boobtid iyo aad wax xukuntid midna meesha uguma socdo, waxan socdaa inaan dalkayga iyo magacayga taariikh uga tago.”

DHAMMAAD.


Barkhad M. Kaariye
kaariye104@gmail.com
Hargeysa, Somaliland.

No comments: