September
18, 2010
Ma joojiyo socodka, kama
daalo socdaalka, kamana xiiqo raadinta waxa uu u jeellan yahay. Daydaygu waa
mid gabbalkii dhacaba taagan, waagii dillaacana la barya. Kuma dhiirado wax
kasta oo ka duwan waxa uu raadintiisa ku daba-joogo, waanu ka caajisaa. Hase ahaatee,
in waxa uu doonayo iskaba dhaaf hanashadiisee,uu xitaa humaaggiisa himbiriirsi
u arko, wuxuu u hallaynayaa amaba uu u hibaynayaa wax kasta oo nolosha u
qaalisan.
Waa dhab, waxa koonka
dushiisa u qaalisan waxa lagu furanayaa isna waa qaali, hase yeeshee, way yar
tahay inta qof dhaaddani. Balse, isagu kama xiiqo in uu wakhti iyo hantiba ku
lumiyo cid kasta oo loo tilmaamo inay ku hoggaamin karto halka ay taallo
baadida uu raadkeeda ku daba joogaa. Baadidiisa sumaddeedu maaha mid ku dhex
lumi karta summadaha kale, haddana lama helo oo cid sawraceeda garata wali muu
arag. Umadaha kale way ka luntaa, balse isagu wali ma yaqaan waxa u gaarka ah
ee ku wareershay daydaygeeda! Wuu arkaa cid la raadisa oo baadi-doonka
dhinaceeda kaga jirta, ha yeeshee, ma soo hantaan, inay sii durkiyaan oo ay sii
lumiyaan mooyaane.
Isagu kama qanco oo ma
dedafeeyo baadi-doonkooda, xagguu uga qancaa waxaabay ula muuqdaan nasteexa
kaliya ee la dareemaya halka u damqanaysa baadida ka maqane! Lama yaqaan wuxuu
raadinayo midabka iyo caynnadda uu leeyahay,waxaase laysku raacsan yahay in uu
dhalaalayo ama widhwidhayo. Welwelka iyo walbahaarka uu ka qabo maqnaanshaha
baadidiisu, waa mid ka dhalatay ogaanshaha uu ka war qabo sida ay dadku ugu
baahan yihiin, kana cabsi qabo in ay uba soo noqonba waydo inta uu nool yahay
oo ciddii heshaa ay damaacido. Rejo ayuu ku qabaa in uu mar uun helayo, waana
ta keentay in uu Kabaha u illado soo-helitaankeeda, waxase aan la hubin
wakhtiga ay qaadan karto. “Ma arag ee waan kula soo socodsiin doonaa haddiiba
aan la kulmo,” waa nuxurka jawaabta kaga soo noqota badanka dadka uu la galo
guclaha baadi-goobku, waase dawo uu ku dhayo buktada aan raysanayn ilaa ay
hesho baadida ka maqan.
Waa la helayaa dad
haddii ay ka hawl-galaan taakulaynta geeddiga baadi-doonka ee uu ku jiro, ay
dhacayso inuu guul ka gaadho raadintiisa, balse iyaba waa cibaaree, dhego uma
laha inay maqlaan dhawaaqa laba afkii uu ku yeedhinayo waxa ka maqan. Markay u
dhawayd qofkii baadidiisa soo arkay, kuma guulaysan in uu u tilmaamo, balse
kama niyad-jebin in uu u rooro dhinicii indhihiisu jireen intii uu la hadlayay
oo uu u qaatay in baadidiisu jirto, walise ma helin.
Ma jiro qof aan garanayn
waxa ka maqan, aan xusuusan karayn haddii loo tilmaamo ama markay ugu yar tahay
aan isaguba u baahnayn. Hase yeeshee, way yar yihiin inta dhaaddan qiimaha ay
leedahay baadidiisu. Qof kasta o socota ah, mid jarmaadaya iyo mid
carraabayaba, waa dhif iyo naadir ka aanay iska hor iman baadidiisu, haddana ma
awoodaan inay u sheegaan halkaa uu ugu hagaagi karo. Marar buu aminaa in
baadidiisii bahal helay goor fiiddadow ah ama cawo-daran, haddana wuu
is-diidsiiyaa in uu aamino. Waayo, wuxuu ku kalsooni qabaa in aanu habowgeedu
jooojinayn goob cadow ku halligo.
Hadal iyo dhawaaq
wuu waday in ku filan intii uu ku foognaa raadinteeda, hase yeeshee, wuxuu
aakhirkii ku adkaystay waydiin aan jawaabteedu noqon karin wax kale oo aan ka
ahayn in loo tilmaamo halkay taallo baadidaas, taas oo ah; ma aragteen
baadidaa?
Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment