Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay
ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga
reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama
is-magac-dhebi karno. Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa
qurbe. Aniga oo baalla-daymoonaya, ayaan maqlay dhawaaq ii yeedhaya, “Barkhadoow,
waryaa Barkhad!” Maskaxdayda oo markaa ku maqnayd dhugashada dadka iyo
deegaanka kala duwan, ayaan garan kari waayay halka dhawaaqu ka baxay. Mar
dambese, ayaan gartay in dhinacayga dambe layga yeedhay, markii aan ku
jeestayna arki waayay qof aan garto oo ii yeedhay. Haddiiba aan iska jeestay oo
aan mar kale ku mashquulay wixii markii hore maskaxdayda iyo indhuhuba ku maqnaayeen,
haddana mar kale ayaan maqlay dhawaaqii! Jalleeco labaad baan ku celiyay
dhinacayga dambe, mise waa wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanan hore u arag!.
Waa guri yar oo haddana aan guri lagu sheegi karin, waa se goob ay habeenkii ka dugsadaan dhaxammaha, maalinkiina kana hadhsadaan qorraxda. Guriga wax alaab ahi uma taallo, marka laga reebo salliyada ay ku jiifaan iyo gadbaddii bariiska ahayd ee ay maanta halkan kula ciireen.