Wuxuu yidhi: Baryahaa si aad ah baan u cuni jiray qaadka. Galinka hore, ka dambe iyo habeenkii ba afkayga caleen cagaaran oo budulsan waa lagu arki jiray. Xataa cuntada isaga ayaan ka jeclaa. Faan iyo farxad labadaba waan ku qabay. Waayuhu se mar walba ma samaado. Maalin baan soo taaban waayey Qaadba. Xiin badan iyo xuuraan ba waan u galay. Cid kasta oo aan ka heli kareyey waan ku cabaaday. Albaabbo badan oo aan garacayna waan ku hungoobay. Nasiib darro maan helin wax aan ahayn daal. Haa, daal awgii baan qaad la’aan gogoshaydii ku gataati dhacay. Aniga oo aan geesna eegin baan hurdo dhex muquurtay. Maba aan ogayne show dayn badan baa la igaga lahaa furaashka! Habeenno ayaan sidooda soo jeed ugu idleeyay. Habeenno waabari ayaan seexday. Furaashkuna intaasba malaa wuu ii kaydinayey. Markaas baa wixii baaqi igu ahaa oo dhami habeenkaas isa soo fayliyeen. Khuuradaydii ayaa degdeg u bilaabantay. Laakiin waxyar ba maan hurdin kolkii qabtani dhacay;
Wednesday, December 4, 2013
Calooshii Currigu Qaatay! W.Q: Saddaam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:30 AM
Sunday, November 3, 2013
Friday, October 4, 2013
DUNIDA AAMUSAN: Daawo barnaamij loogu talo-galay dadka aan wax maqlin!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:27 PM
DUNIDA AAMUSAN: Waa barnaamij loogu talo-galay dadka aan hadal ama aan wax maqlin. Waa luuqadda loo yaqaano 'Luuqadda aamusan", balse way fahmi karaan cid kasta oo wax akhridaa, sababtoo ah, qoraal baa la socda. Wuxuu gudbinayaa aqoon - Diin iyo maaddi ba ah. KA DHUGO HALKAN, una gudbi cid kasta oo aad ogtahay in uu anfici karo.
Barnaamijkan oo taxane ah waxa laga heli karaa; www.sirsomali.com
HALKAN HOOSE KA DAAWO...
Barnaamijkan oo taxane ah waxa laga heli karaa; www.sirsomali.com
HALKAN HOOSE KA DAAWO...
Wednesday, October 2, 2013
Armuu Xirsi waddooyinka dhistaa!! W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:27 PM
Dhaliilaha dawladda Somaliland ee uu A. M. Maxamuud Siilaanyo madaxa ka yahay way badan yihiin, canaanta odhanaysa ballanqaadkoodii xilligii doorashada ka ma ay soo bixin wax baa ka jira, meelaha qaarkood maamulku si maqluub ah ayuu wax u maaraynayaa waa la odhan karaa, dulqaadka dhaliilahu wuu ku yar yahay ayaad mooddaa; intaas oo dhammi se waa kolka goldaloolooyinka maamulka la raadinayo.
Tuesday, September 17, 2013
Sunday, September 8, 2013
Waxay ahaayeen Kala laba! W/Q, Saddaam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:24 PM
Habeennimadaas
buug aan akhriyayey ayaan xilli dambe dhammeeyay. Waxa uu ahaa buug xiise
badan, xaashi kasta oo aan rogo waxa ka xiiso badnayd midda xigtay! Xarfaha
quruxda badan iyo xarakaadka yaabka lahaa ee ku dhignaa ayaa qoraaga buugga iyo
aniga iskaayo baray.
Saturday, September 7, 2013
Hees: Hobollada Jigjiga oo ku soo dhaweeyay Hobollo ka socday Somaliland
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:29 PM
Mahiigaan: Waa barnaamij cusub - Waxa diyaariyay Muusa Dalmar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:26 PM
Saturday, August 31, 2013
JACAYLKII SHAASHOOBEY! - W.Q: Siciid M. Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:21 AM
Wali
Jacayl bukooday ma kuu yimid? Ma ku weydiistey daawo? Ma kuu sheegtey dacar iyo
dakano u diidey hore iyo diba inuu u socdo? Ma kaa codsaday baadhitaan iyo
baanasho laxaad leh? Dabadeed, ma baale daymootey? Ma is tidhi buskee oo baano
nabarkan fidee boga, beerka, dhabarka iyo xanjaadkaba ka haleeley jacaylkan
jariban?
Thursday, August 29, 2013
Father and daughter fly plane together (As Captain and Co-Pilot) by KTN TV
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:46 PM
Wednesday, August 28, 2013
So you want to work in development? Check out this guide
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:16 AM
Many young people are desperate to work in the sector, but how do you decide which roles suit you most? Help is at hand – explore our development flow chart
Kenyan doctor uses cancer drug to stop HIV progress
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:02 AM
Five Kenyans appear to have overcome the HIV virus, boosting hopes of getting a cure for the world’s deadliest virus. The five, who include two men and three women, seem poised to join a handful of other people believed to have been cured of the virus, says the man leading the clinical trials of the uncoventional regimen, Dr Barasa Situma.
Hees cusub: Faysal-Golis iyo Amran-Star
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:44 AM
Monday, August 26, 2013
Bandhiggii buugga Baraarug iyo Hargeysa!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:59 PM
Falsafadda taranka bulshooyinka iyo Islaamka - W.Q: Mahdi Sheekh
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:32 AM
Robert Maltos oo ahaa dhaqaaleyahan
reer Ingiriis ah (1766 –
1834), waxa uu ku caan baxay aragtida in tirada dadka dunida ku nooli sii kordhayso,
kheyraadka dhulka guudkiisa Rabbi ku mannaystayna gabaabsi yahay, sidaasi
awgeed loo baahan yahay in dib loogu noqdo xisaabta taranka qoyska. Aragtidan ayaa Buuq iyo doodo badan ka
dhalisay caalamka guud ahaan, gaar
ahaana culimada ku takhasusay Cilmiga Bulshada, waxana lagu naanaysay “aragtidii Baaseysiga”. Horumarka farsamo iyo
aqooneed ee dhamaadkii qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad ayaa waxba
la’aan ka dhigay aragtida Maltos, waxana dhacday in Yurub dhaqaalaheedu kor u
kac laxaad lihi ku yimid, halka hoos u dhac la yaablihina ku dhacay taranka bulsho
ee shucuubta reer Yurub. Arintan oo hal bacaad lagu lisay ka dhigtay saadaashii
Maltos ee in 25-ka sanno ee soo socda dadka reer Yurub tiradoodu libinlaabmayso
cuntadooduna yaraanayso, waxana dhacay wax taasi ka geddisan.
Hiilka Afka-somaliga; yey si gaara waajib ugu tahay? W.Q: Maxamed Ibraahim (Cirro)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:30 AM
Habeenkii sabtidu soo galaysay todobaadkan ayaan Hargeysa kaga qayb gallay bandhig lagu soo bandhigayey riwaayad magaceedu ahaa “Hiil baan u baahnahay”. Yaasmiin Maxamed Kaahin hal-abuuraha riwaayaddu ka sokow in ay gabadh waliba dhalinyarro ah tahay, waxaan riwaayadaa ay curisey ku sii jeclaystey sida fariinta dhumucda weyn, ee qaylo dhaanta xoogan xambaarsan ay muddada kooban ee saacadda ka yar ugu jaangoysay. Yaasmiin waxay indhaheena soo horjoojisay, oo ay dhagaheena habeenkaa maqashiisay cid hiil u baahan; maya cid maaha, qof iyo qofafna maaha, gobol iyo geyina maaha ee waa afkii bulsho lahayd. Bulshadeena afkoodii oo cod liita oo dirqi dhuunta u soo dhaafaya isagoo halkan galgalanaya inagu leh Hiil baan u baahnahay, oo waliba kuwa uu hiilka ka dalbanayaa sii haraatinayaan. Waxay ahayd masrixiyad intii joogtey dareensiisey sakaraadka afkeenu ku sugan yahay, anigana si gaara muddo maskaxdayda uga sii dhex guuxeysay. Anigoon u holan inaan masrixiyadaa siday ahayd idiin soo min guuriyo, oo Qoraageena Saddaam Xuseen Carab uu sawir iyo faalo ina deeqday inaga siiyey habeenkaa iyo hiilkii Afkeenu dalbanayey, aan isku dayo inaan si dhaw farta ugu fiiqo cidda hiilka inay bilowdo laga rabo.
Falanqayn: Masrixiyadda "Hiil Baan u Baahnahay" - W.Q: Saddaam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:23 AM
“Hiil baan u baahnahay”, masrixiyad ayey ahayd, waa la xiisaynayey. Masrixyad ayey ahayd oo gabadh baa curisay iyana waa la sii xiisaynayey. Ogaysiiska ruwaayadda “Hiil Baan u baahnahay” mareegaha iyo wargaysyada ayaa lagu sii baahiyey. Markaas ayaad iswaydiinaysay “Yaa hiilka u baahan”! iyo cid waliba way u baahantahay. Xataa naftaada ayaa u baahan ayaad isugu garaabaysaa. Laakiin cid aanan haabka ba ku hayn ayaan ka dheegtay markii aan daawaday masrixyaddii oo aan ogaaday in ay hiil u baahantahay. Kaligay ayaan moodayey ee dad badan ayaa iyana ka sokow in ay ruwaayadda daawadaan xiisaynayey in ay ogaadaan cidda Hiilka u baahan sidayda oo kale! Ugu horrayn se aan hambalyeeyo walaasha curisay Masrixiyaddan Yaasmiin Maxamed Kaahin.
Sunday, August 25, 2013
Warbixin VOA ka diyaariyeen masrixiyad dhaqameed la yidhaahdo HIIL BAAN U BAAHNAHAY!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:07 PM
Masrixiyad dhaqameedkan oo ay curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxa lagu qabtay Hotel 4Seasons ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka qaybgalay aqoonyahanno, qoraa, culima'udiin iyo marti tiro badan. Iyada oo dhamaystiran, dhawaan kala soco www.kaariye.blogspot.com
Hadraawi: Somalia’s mild-mannered fierce critic
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:24 AM

Saturday, August 24, 2013
![]() |
Legendary Somalia poet Haadrawi, real name Mohamed Ibrahim Warsame during a presentation in Hargeisa, Somaliland on August 16, 2013. NATION MEDIA GROUP |
I had heard a lot about Hadraawi, the legendary Somali poet. Even though I didn't see him when he last came to Nairobi for the last Kwani? Litfest, I got my second chance to see him when I attended his performance at the sixth Hargeysa International Book Fair in Somaliland.
Muhannad miyuu ila qabaa marwadayda? - W.Q: Saddaam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:04 AM
Ha
iska daallanaado se kuma faraxsana halka uu u rawaxayo xilligan, daal kale iyo
buuq kale ayuun baa u sii yaalla meel baasta awooddeedii laga xayuubiyey ee
aanu yeelid iyo diidmo midna ku hayn. Laakiin haddana way hurran tahay oo waa
iska yimaaddaa habeen kasta. Oo halkee oo kale ayuu tagi lahaa ba?! Waa
sagaalkii cawaysnimo oo dhowdhow marka uu saacaddii eegay. Wallaahi waaba
goortii ay balaayadu heeryada dhigan jirtay hoygaagii, “tolow ma iska joogtaa”
ayuu isleeyahay? Haddii uu joogo waxba
kama dhinmayaan dhibaatada ka oogan laabtiisa, haddii uu tagana waa tii uun iyo
tu ka sii daran. Saaka lixdii subaxnimo ayuu ka soo kallahay halkan uu ka
baqayo in uu hoydo, sida uu aroortii u hawl yaryahay gurigu uma hawl yara
habeenkii! Waayo balaayaa ku soo hoyata habeenkii meel baasta; musalsal ayaa
naftii ilaahay gashaday u keenay oo uu khaati ka taagan yahay!
Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! - W.Q: Mustafe Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:19 AM
Friday, August 23, 2013
Thursday, August 22, 2013
Closing ceremony of Hargeisa International Book fair in PICTURES by Barkhad Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
4:10 PM
Wednesday, August 21, 2013
Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka ku guuleystey sannadkan
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:36 AM
Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka wajiga kama danbaysta usoo gudbey
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:31 AM
Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ka soo gudbey wejigii labaad ee baratanka, isugu na soo hadhay kala saarista kama danbaysta ah. Sheekooyinkani waxa ay u kala hormarsan yihiin sida magacyada qoraayadu ugu kala horreeyaan alifba'da (alphabetical order), mana aha in ay si kale u kala sarreeyaan. Guddiga Qiimayntu waxa ay ku dhawaaqayaan sheekooyinka ku soo baxa kaalmaha Kowaad, Labaad iyo Saddexaad kulanka Sheeko iyo Shaahid ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.
Sunday, August 18, 2013
Hargeisa International Bookfair (HIBF) Events in Pictures By Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:16 AM
Thursday, August 15, 2013
CUDURDAAR: MASRIXIYADDA OO WAKHTIGEEDII DIB UGU DHACAY 22 OGOS.
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:18 PM
Wednesday, August 14, 2013
Beam of Hope rises with awakened minds by Umayma Essa
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:25 PM
Monday, August 12, 2013
OGEYSIIS: MASRIXIYAD CUSUB!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:59 PM
MARTIQAAD:
Waxa farxad noo ah in aannu
idinku marti-qaadno bandhigga masrixiyad magaceedu yahay;
HIIL BAAN U BAAHNAHAY
Waa riwaayad gudbinaysa ujeeddo
qotodheer, waxaana curisay YAASMIIN MAXAMED KAAHIN.
Goobta: Maansoor Hotel, Hargeysa.
Goorta: 15ka Ogos, 2013. 7:00pm (Habeenka Khamiista,
jimcuhu soo gelayo).
Martida way u furan tahay, waana lacag la’aan.
Sunday, August 11, 2013
May ogaan caawa ka hor! - W.Q: Muna Axmed Cumar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:16 PM
May ogayn markii uu haasaawaha
guurkoodu u socday, isna wuu ogaa in aanay sirtan iibiyaha ka gadda
mooyee cid kale ogayn, wuu hubay in aanay ogaan doonin, siduu filaayay ayaaba
dhacday oo caawaba waa habeenkii aqal galkooda. Guri aad u wayn oo ku yaala magaalada
ayuu ka dhacay aqal galkoodu, farxad, damaashaad iyo mushxarad ayay ku kala
dareereen labadii qoys ee habeenkaa lagu soo casuumay xaflada aqal galkooda.
Wednesday, August 7, 2013
Cudur cusub oo dilaa ah oo ka dillaacay dunida! - W.Q: Ibraahim Sh. Axmed (Madar Wacays)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:35 AM
Akhriste waxaan
jeclaystay inaan kuusoo gudbiyo qormo kooban oo ka hadlaysa cudur dhawaan kusoo biiray dunida, gaar ahaan
dalalka carabta ee aynu ood wadaag leenahay.
Akhriste waa Qoraal kooban oo kasoo dheehay Haaayad caalamiga ah ee ka shaqaysa Arimaha
Caafimaad ee magaceed marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO (World Health
Organization).
Haddaba, hadii
aynu nahay Bulshada soomaalida ah eek u baahday Dacalada dunida ay ka mid
yihiin dalalka uu saameeyay dilaagan cusub maxaa inala gudboo. Waa talooyin kooban aan isleeyahay Bulshada
deena waxbay u tari doonaan inshaa allah.
Monday, August 5, 2013
Astaamaha qofka ah heeryadiisa-cune! - W.Q: Maxamed Yaasiin Ducaale
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:48 PM
Gogol-dhig
Salaan sharaf iyo gacalooyo wadata ka dib, hore waxaan idiin soo weydiiyey in qof lagu sheegi karo ama lagu tilaami karo “Heeryedii-cune” iyo astaamaha ama calaamadaha uu qofkaasi leeyahay, haddaba aniga oo tixraacaya jawaabaihiinnii, isla markaana soo ururiyey oo ku salaynaya dhacdooyin ama odhaahyo hore looga sameeyey qisooyin iyo maansooyin/heeso ku saabsan qof lagu tilmaansanayo inuu yahay “Heeryedii-cune” waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qoraal ku saabsan cidda dhab ahaantii la odhan karo ama lagu sheegi karo inuu la meel yahay Awrka heeryediisa cuna. Waxaan u mahad celinayaa asxaabta fekerkooda igu soo biiriyey ee igala qayb qaatay ururinta xogta ku saabsan sifadan xun ee ceebta badan leh, Mahad gaar ah waxa lahaan doona asxaabta mar kale u isu xilqaanta inaay igu soo kordhiyaan wixii dheeraad ah ee aanan ku soo darin qoraalkan.
Sunday, August 4, 2013
Sababtii meeday? - W.Q: Saddaam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:52 AM
Inta badan marka aan Internet galo waxa aan furaa degallada wararka lagu qoro, waliba kuwa Soomaalida. Mooyi in ay maanka iga addoonsadeen iyo mooyi in ay balwad iga tahay ee waan akhriyaa si kasta. Warbaahinta la iska arko iyo ta la iska maqlo iyo midda la akhriyo ee Soomaalida mar kasta waa lagu celceliyaa oo galdaloolooyin bulshada heeray baa ka buuxa. Taas na qof ba wax buu ku sheegaa sababta ama sababaha keena. Waxa se lagu soo ururin karaan laba sababood midkood ama wadartood. Waa midda koowaade’ aqoon darrida wariye ku sheeg indho adag oo aan warka hubsan ama u badheedhaba u been sheegidda dadka wax walba qaata ee aan hubsan ee Soomaalida isaga oo quud yar ama qabiil ku gata sharaftiisa saxafinnimo. Waa midda labaad e’ markii bulshada aqoon yahankeeda tirada yari kala masuugay daacadnimada iyo daadifaynta kuwa liita ee wararka liita sheega ayey isu rogeen cakiska oo ay noqdeen kuwa bulshada ugu cadcad ee loogu jecelyahay saxafi ku sheeggu! Isku darka labadaas sababood ayey tahay in aynu eersanno.
Saturday, August 3, 2013
Amazing clip: The pastor converts to Islam on live!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:59 PM
Thursday, July 25, 2013
MUST READ: It will take just 37 seconds to read this and change your thinking!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:09 PM
Two men, both
seriously ill, occupied the same hospital room. One man was allowed to sit up
in his bed for an hour each afternoon to help drain the fluid from his lungs.
His bed was next to the room's only window.
The other man had to
spend all his time flat on his back. The men talked for hours on end. They
spoke of their wives and families, their homes, their jobs, their involvement
in the military service, where they had been on vacation..Every afternoon, when
the man in the bed by the window could sit up, he would pass the time by
describing to his roommate all the things he could see outside the window.
Wednesday, July 24, 2013
Markay kooxi orgootaba ma asooli karaynee, abaal baan ku qabnaaye, ammaan uun ma helnaa...1992kii...Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:25 AM
Cinwaaka kor ku xusan, waxa aan ka soo dheegay maansadii Ergo ee Maxamed Xaashi Dhamac IHN-tee uu ka tiriyey Badhtamaha magaalada Hargeysa 1992. Irfidaan geliyaa, iniin baan ku ridaa, oogso baan is idhaa waa layii arbacaa. Rag hadduu is afdhaafo, afkaa laysku gartaaye, is afwaajiya maaha.
Isha Qarsoon(IQ): Ma geydo bulshadu yooyootanka! - W.Q: Cabdillaahi C. Cige
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:21 AM
Waddani tol leh:
Siddeed saacadood oo aannu hawada ku soo jirnay ka dib, ayuu duuliyihii dayuurad nooceedu yahay 787 Dreamliner oo sharikadda Dayuuradaha Itoobiya leedahay nagu soo dejiyay garoonka Bole, ee magaalada Addis Ababa. Bahashu xajmi weynaa, qaad badanaa, qurux iyo farshaxan badanaa, duuliyuhu muxuu shaqadiisa ka jibbo keenay. Sidii awr hayin ah oo aan ix iyo ax mid na looga baran ayuu qunyar shaagagga laamiga u qabadsiiyay bahashii culayska badnayd iyo rakaabkeedii shanta kor u dhaafay.
Tuesday, July 23, 2013
HEALTH WARNING: DON'T ACT THE 7 ACTIONS BELOW AFTER YOU HAVE A MEAL!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:20 AM
* Don't
smoke- Experiment from experts proves that smoking a cigarette after meal is
comparable to smoking 10 cigarettes (chances of cancer is higher).
Sunday, July 21, 2013
PROEXPOSURE Photography Training @ Hargeysa International Book Fair 2013
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:30 AM
The phenomenal rise of the digital camera and the popularity of the computer has profoundly shaped and transformed the art of photography in the last 10 years. This year Hargeysa International Book Fair has introduced a new two-day introductory photography training session prior to the opening of the book fair. Our guest photographer, Kate Stanworth, who is presenting an exhibition of photographs from the 2012 Somaliland local elections, will teach 8-12 prospective photographers. Kate works in association with PROEXPOSURE, an organisation that trains photographers across the world. Her sessions will encourage trainees to consider the potential uses of photography, to practice basic techniques to enhance their photographic skills, and to appreciate and evaluate the use of photography in news reporting, investigative journalism and storytelling. The course consists of the following modules:
Saturday, July 20, 2013
Durraamasho: W.C: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:25 PM
Allahayoow
adigaa Daa’inoo, uumay dunidoo dhan,
Dulqaad-weyne
Rabboow adaan, daalin abidkaaye,
Adigaan
deddoon oon huradadu, abid ku daarayne,
Adaan ubad
la daadahshiyo lahayn, waalid kugu daalay,
Adigaan
dalluun iyo iil gun dheer, kugu
daboolmayne,
Duni hore, hadday
dunidan tahay iyo daarta aakhriba,
Dadka oo
dhami markay tagaan, adaa Daa’inoo jira’e,
Wax dahsoon,
wax dahaadhan iyo waxa daleel yaalla,
Adigaa wada
daalacda, oon abid dakaamayne,
Adigaan
dagaagmayn abid, dalawna kaa dheeryay,
Dukaamada la
sheegtiyo Diinaar iyo dahab wixii yaalla,
Adigaan dayn
iyo u baahnayn, Doollar iyo Liire,
Deeq-bixiye
iyo qani adigaa ah, door kaystooy tahaye,
Ducafaa
baanu nahay, danyariyo masaakiine,
Ducada naga
ajiib Alloow, dalabkiyo waxaan rabo.
GOLAHA CUSUBI MA SHARCI BAA MISE? - Cabdiqaadir Sh. Maxamuud
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:36 AM
.jpg)
Thursday, July 18, 2013
ISA SAAMAXA! - W.Q: Prof. Cabdiraxmaan Xasan Nuur
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:50 PM
Ilaahay ayay mahadi u sugnaatay; Allaha
aadamaha uu abuuray wax badan oo gaf ah oo ay sameeyaan ka saamaxa; Allaha
Qur’aankiisa innagu baraya waxa iscafintu tahay iyo sida la innaga rabo in aan
isu saamaxno ayaa mahad oo dhami u sugnaatay. Ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaato Nabigeennii Muxammad oo ah xiddiggeenna hab-dhaqanka wanaagsan. Waxa
axaadiista la inoogu soo wariyey in aanu waligii naftiisa u aargoosan; waxbuu
cafin jiray….haa, waa hab-dhaqan uu hormood innoogu yahay oo ay tahay inaan
kaga dayanno.
Wednesday, July 17, 2013
Maanso: DAGAMSI! Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:02 PM
Maansadani
waxay ifka u soo baxday 17/07/2013, waxaanay ku saabsan tahay guud ahaan
caruurta dayacan ee Afrikaanka, gaar ahaan kuwa Soomaalida. Sababtoo ah, waxa
dhacda in Hay’ado badan oo magacyo kala duwan sitaa ay mashaariic badan ku
qaataan in caruurta dayacan ee Soomaalida iyo afrikada kaleba wax loo qabanayo,
ka dibna inta ay maalin u astaysteen ay xuska maalintaas uun ay kharash ku
bixiyaan Istiikarro (Calaamado) iyo hudheello xaflado lagu qabsado, iyaga oo da'yartii dayacnayd aan waxba loo qaban. Waxa u dheer oo ay maansadu ka hadlaysaa in faro-xumayn, kufsi iyo tacaddiyo lagula kaco caruurtaa iyo kuwa kale ee iyagu daryeelka helaba. Asma
yar oo ay maansadu xustayna waxay ka mid tahay inta dhibban.
GOLDEN CHANCE FOR SISTERS: Be the leader that you were born to be! - ISLAMIC ONLINE UNIVERSITY
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:02 AM
After a successful 1st presentation of the "Leadership Course for Sisters", IOU will be presenting the course AGAIN! Get ready, we BEGIN ON 22nd July 2013, By the Will of Allah.
- For Convenience, it will run for 6 Months instead of 1 Year
- Same Content via RECORDINGS of the 1st course
- In addition to the recordings of the course, there will be live sessions after EVERY 4 CLASSES
- For a fee of US $50, you can join the course, and
- Attain a HARD COPY CERTIFICATE at the end for an additional nominal charge.
Nin qab weyn iyo nin qoonsimaad badanba qaanuunkaa ka sarreeya! – W.Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:39 AM
Waxa Intan Ramadaanta Bulshada Somaliland ku batay Hadal haynta Kelmada Gole Taas, oo Ka dhalatay Unkanka Golaha Madaxa Banaan Ee Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland, oo lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa Bilawgii bishan barakaysan ee Ramadaan.
Waxaana Hadal haynta Kel madani sii xoogaysatay markii xubno ka tirsan Goleyaasha Fulinta (Xukuumadda dhexe) iyo Sharci dejinta (Wakiillada/Guurtida) ay soo bandhigeen aragtiyo ka dhan ah badheedhaha Golahan Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq u siinayo Ka Tashida Rabitaankooda.
Tuesday, July 16, 2013
Join us for the Hargeisa International Book Fair in Hargeisa, Somaliland.
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:01 PM
![]() |
Xuquuqda sawirka waxa leh HIBF |
Redsea-Online Cultural Foundation and its
partners are delighted to invite you to the sixth Hargeisa International Book
Fair (HIBF) taking place from the 16th to the 21st of August 2013 in Hargeisa,
Somaliland.
Hargeisa International Book Fair has grown exponentially
over the past six years, both in size and significance. It not only represents
the main platform for the arts in Somaliland, but it is now one of the largest
public celebrations of literature in East Africa.
Monday, July 15, 2013
Maalintii aan qoraaga Nuuradiin dilka ka baajay - W.Q: Siciid Jaamac Xuseen
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:20 AM
Maalin
walba tobannaan kun ayaa geeriyooda aan inta ay isugu dhow yihiin mooyee cid ka
warqabtaa, ama danaysaa aanay jirin.
Marka keliya ee gerridu qaran iyo in ka badan cuskataa, waa hadday ku
timaaddo cid si weyn loo danaynayo.
Dhaawaca iyo halista uu qofku galaana taasoo kale ayay la mid tahay. Qoraaga Soomaaliyeed ee adduunka caanka ka ah
Nuuraddiin Faarax ayaa ii sheegay inaan beri ka badbaadiyay shirqool lagu
damacsanaa in lagu dilo.
Muxuu ka tegay? - W.Q: Yaasmiin M. Kaahin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:09 AM
Midkoodna in cid ka xoog badani
ugaadhsato ma jecla oo xayawaanka iyo bani’aadamkuba way ka siman yihiin. Wuxuu
dhex fadhiyey fasal ka mid ah kuwa uu maalinlaha uga xaadiro oo ah halka uu
rabay inuu ka bilaabo noloshiisa berri iyo waxa uu noqon doono. Waa u
caado oo deegaanka ku xeeran ayay ka mid noqotay in ay isaga iyo dhiggiisu
maalin walba maqlaan waxaanay dhegahoodu jeclaysan, la kulmaan waxaan naftooda
raalligelinin. Balse way ku qasbanaayeen in ay ku noolaadaan marxaladdaas.
Dibin-qaniinka, hoos-u-qammuunyoodka iyo
guuxa qalbigiisa ku oogan maaha mid kali ku ah, balse wuu uga xanuun
badnaa inta kale.
Sunday, July 14, 2013
Khatarta dawooyinka iyo waxyeelladooda! - W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:53 AM
Waxaan
naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo
aan isaga digayno waxyeelo aan u arkay in dhaxallkeedu yahay midho-xun laga
dheefsan karro waxyeeladooda, taaso ay inoogu wacan tahay isticmaalka aan
habooneyn ee ay da’yar badani yihiin kuwo u adeegsada dawooyinka qaar sifooyin
akhaldan oo aan munaasib ku ahayn isticmaalkooda.
Su'aalo Ramadaanta: Q1aad Sh.Muxamad Sh.Cumar Dirir
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:21 AM
Tuesday, July 9, 2013
AKHRIS: Su'aalo iyo Jawaabo la xidhiidha SOONKA - Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:39 AM
Waxaanu idiinka soo diyaarinay
jawaabihii uu Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ka bixiyay Su’aalihii dadweynuhu
ka waydiiyeen Soonka.
1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga
soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii
hore qaleyn?
Masar: Mudaharaad xal ma aha! - W.Q: Saddam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:05 AM
Waxay ahayd sannad iyo bilo ka hor kolkii buuqa iyo mudaharaaddadu ka unkameen waddamada carabta ee kali talisku muddada badan soo fuushanaa. Kaas oo loogu magac daray “Baraaruggii Carabta”. Mar kali ah ayaa wiil yar oo kali ahi huriyey dabka ilaa maanta holcaya ee ay ku gubteen kumannaanka qofi, ku goblameen kummanaanka kale ee ay ku agoomoobeen kumannaanku. Waddamadaas ayey Masar ka mid tahay.
Monday, July 1, 2013
Soomaaliya: Jubbooyinku waa jarribaadda Dowladda - W.Q: Axmed Ciise Guutaale
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:07 AM
Hoggaaminta iyo
hoggaamiyaha marka la eego Soomaalida
waxaa ka taagan su’aalo ciidda kabadan, hayeeshee in yar ayaa jawaab loo hayaa,
inta badan oo ah inta aan jawaab loo hayn qolo weliba waxa ay kusoo koobtaa
hebel ayaa hoggaamiye ah, iyada oo salka
iyo halka lagu saleynayaa tahay jacaylka qabyaaladda ku dhisan ee qof kaas loo
hayo, taas oo muddo gaaban kadib soo afjaranta,
marka uu qof kii la siiyey hoggaamintu uu tijaabo galo oo weliba lagu
miisamo habka qabyaaladda oo markan reero ku dhisan, reerkii uu siiyo xil iyo
xoolo agtooda waa ka ammaanan yahay, reerkii uu ka gaabiyana waxa ay saarayaan
miisaankooda oo kusoo saari doona nacas iyo nin aan waxtar lahayn, dhammaan
habkan wax lagu qiimeynayo iyo sidii loo soo saarayba waxa ay ku dhisan yihiin
waxyaabo aan sina u mudnayn in qof lagu qiimeyo.
URGENT HELP REQUIRED FOR AMIR MUHADITH A.K.A LOON!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:34 AM
![]() |
Amir: Before and after |
Sunday, June 30, 2013
‘XIL-DHIBAAN’: XIL-MA-DHAAD XIL-MA-QAAD (Dhafan-dhaaf sheekada: Ii dhiib an kuu dhiibee… I dhigo aan ku dhigtee) – Qalinka: Boobe Y. Ducaale
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:25 AM

Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,
Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,
Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,
Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”
Maansada Guubaabo ee Timacadde, 1970-kii
Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Tuesday, June 25, 2013
Hankaa laga dhoofiyaa! - Qalinkii: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:17 PM
Saddex wiil iyo gabadh dhalinyaro
ah ayay ahaayeen. Meel waddo dhinaceed ah ayay u taagnaayeen si wareeg ah oo u
muuqatay inay xog kala qaadanayaan. Aniga oo ag-maraya, ayay dhegahaygu maqleen
ereyo sababay in aan dib ugu noqdo; “Iska joog, anagaa ku geynayna xerada laga
baxo’e,” ayuu mid ka mid ahi leeyahay markaa. Waxa maankayga ku soo dhacay in
uu ka hadlayo tahriib, balse ma garanayn cidda uu la hadlayo. Dib baan ugu
noqday oo dhankoodii ayaan u dhaqaaqay. Intii aan u sii socday, ayaan
halacsaday wejiyadooda, mise midkood ayaaban weji-garanayaa, balse aanan
magic-dhebi karin. Markii aan gaadhay, ayaan salaamay, waana markaan ogaaday in
inanku uu la hadlayay inanta oo uu ku qancinayay in ay tahriibkeeda sii wadato.
Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 - Tartankii 6aad
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:54 PM
Redsea-Online Cultural
Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda
oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta
dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo
farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan
kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii
Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".
Sheekooyinka
ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto
waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa
in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga
Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Socdaal”.
Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2013.
Saturday, June 22, 2013
Dhadhami waayihii dorraad! (Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?) - W.Q: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:15 PM

Qaybtan oo huwan ciwaan-hoosaadka 'Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?' waa tan ee shifo ku il-saara.
Thursday, May 30, 2013
I badbaadiya? - W.Q: Muna Axmed Cumar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:11 AM
Waxay ahayd maalin xusuus ku leh noloshayda, maalin aanan iloobi Karin, maalin badashay noloshaydii, maalin sumad iyo astaan gooniya ku leh qalbigayga. Waxay ahayd duhur iyo casar dhexdood dadka badankoodu way hurdeen, hooyaday ayaan bogga kaga jiray, dhamaan walaalahay waa ay I ag jiifeen, mar kaliya ayuunbay nagu bilaabeen weerar, maan garanayn waxa ay ahaayeen iyo sababta ay noo weerareen toona, dhagaxaan aad moodo inay sida roobka xaga sare ka imanayaan ayaa si is daba joog ah noogu dhacayay. Dhagaxii u horeeyay waxa uu kalida kaga dhacay hooyaday, inta ay xanuunkii kor u booday ayay isku dayday in ay na difaacdo balse awoodeeda waa ay ka baxsanayd. Weerarku intaas oo kaliya kuma uu eekayn ee wuxu ahaa mid socday ilaa aan aniga hooyaday iyo walaaladay aan kala firdhanay, oo midba meel ka dhacay, orod ayaan miciinsaday maan garanayn meel aan ku socdo, waxan u ordayay kaliya si aan naftayda u badbaadiyo, hareeraha iyo gadaal ayaan kolba eegayay bal in aan mar uun isha la helo walaaladay iyo hooyaday, balse waxaan boodh ahayn maan arag!. Aniga oo ordaya ayuu mid ka mid ah cadawgii na weeraray tunka I qabtay kadibna kor ii qaaday hadana dhulka igu si daayay.
Ma iyagaan dhalin? - W.Q: Muna Axmed Cumar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:58 AM
Waxay ahayd amin hore, qof dani wado mooye ruux kale wadada ma socon, waxa aan u jeeday suuqa, isa soo taagay goob lagu raaco basaska, koray midkii ii qornaa, kursi lamaane loogu talogalay oo mid uun ka sokeeyay fadhiistay, mudo markii aan kursigii ku kaliyoobay, waxa mar kaliya ila soo jaaray nin iyo ilmo isku lamaan. Ishaydu way qabatay markii uu baska soo korayay dhinacaygana u soo socday, ilmaha laabta ayaa uu ku siday markaa, balse markuu salka kursiga dhigay ilmihii dhabtiisa ayuu ku qabtay, waan fiirinayay balse isagu iima jeedin waayo waxa mashquuliyay daryeelka xad dhaafka ah ee ilmihiisa yar.
Saturday, May 25, 2013
Agoon: Iridda laga galo xukunka! - W.Q: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:07 PM
Saturday, April 13, 2013
Falanqaynta Toolmoon: SIDEED U XULAN KARTAA LAMMAANKAAGA?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:53 AM
Haddii aad aragti/dareen-celin aad hayso, noogu soo hagaaji ciwaankan; falanqayntatoolmoon@gmail.com.
TALADAADU MAR WALBA WAA TAYAYNTA WAXSOOSAARKAYAGA.
Thursday, April 11, 2013
"A teacher in my home" by Barkhad Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:49 AM
It was late afternoon and the sun was just about to set when I
arrived at Asha Ali’s home. She was resting her back on the door frame of her
buul soomaali, the traditional Somali hut made from beautifully
coloured rugs, and had a little pocket radio in her lap.
Wednesday, April 10, 2013
FalanqayntaToolmoon: Toddobaadle gorfeeya arrimaha bulshada (MUUQAAL)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:56 AM
FalanqayntaToolmoon waa barnaamij ka turjumaya arrimaha bulshada ee Soomaalida dhexdeeda. Waxa uu ku qotomaa baahiyaha bulsho ee la xidhiidha ogaanshaha marxaladaha jira iyo sidii xal loogu helaa haddiiba qaarkood ay dhibaato yihiin. Waxa uu ka hadlaa mawduucyada taabanaya nolosha dadweynaha aad akhristoow/daawadoow ka mid tahay, sida; diinta iyo nolosha, cilmi-nafsiga iyo nolosha, xallinta khilaafaadka, horumarinta nolosha iyo ganacsiga IWM. Toddobaadkan waxaanu kaga hadlaynaa SIDEE DAKHLI/DHAQAALE LOO SOO SAARAA? DAAWO MUUQAAL.
Wednesday, March 20, 2013
Warka iyo Warramidda W:Q: Axmed Ibraahin Cawaale
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:09 PM

WALAAHOOW: Gabay baroor-diiq ah - W.C: Barkhad M. Kaariye
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:11 PM
Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay isweydiiyeen geerida dhacday (Abtigay/Saaxiibkay Naasir Cawil Axmed-Xajiin) iyo aamuskayga...Xaqiiqdu siday tahay waan garan waayay waxaan idhaahdo; macnaheedu maaha in aan diiday geerida, inaanan ogolayn waxa Rabbi xukmay, balse waxa weeye in aanu anagu wax gaar ah isku ahayn. Waan hubaa - sida qaarkiinba aad u ogtihiin - in aanan gabyin, gabyaa ahayn, isla markaana heerkaa gaadhin, haddana urgumada, uurkutaallada iyo anfariirka geerida kediska ah, ayaan ereyadan hoose u yidhi. Waan ka afeefanayaa wixii gef ku ah xeerarka suugaanta iyo gabayada ee aad halkan ka aragtaan. Waa baroor-diiq aan isugu baroor-diiqayo, waa tacsi aan u gudbinayo qoyskayga iyo dhammaan ehelkayga.
Tuesday, March 19, 2013
Gelbis: Waa gabay baroor-diiq ah - W.C: Yaasmiin M. Kaahin
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:16 PM
Gabaygani waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin. Wuxuu curtay markii aduunka laga qariyey abtigeed Naasir Cawil Axmed-Xajiin oo Gacan ka xaqdarin ku dishay magaalada Hargeisa.
Ma gabyeene Rabboow, naftaa diiday gama’iiye,
Gacantaydii midigiyo markaan wayay garabkiisa,
Soo talo gunuunuc ima badin iyo weliba guux hoose,
Geeridaan xishood iyo lahayn guga maanta uun dhaaf,
Ma goblame rabbaan tageyn godkaa hoos iyo iile,
Ruux waliba guudkay u taal tani inuu ka guurayne,
Tani se ma-guurtay ku tahay qalbiga oo aan go’ahayne,
Garkaygiyo wadna ruux ku godan, gudaha duunkayga,
Saturday, March 16, 2013
Qaab fikirkeenna ayaa saameeya nolosheena - W.Q: Sh. Cabdiraxmaan M. Jibriil
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:20 AM
Wax badan oo noloshaada ka mid ah, waxay ku xiran yihiin sida aad u fkirto iyo waxa aad rumaysantahay. Haddii aad rabto ama aad jeceshahay inaad xoolo badan hesho oo aad qani noqoto waxay ku xirantahay sida aad u fikirto. Haddii aad rabto in lagu jeclaado oo aad noqoto qof cid walba soo dhawaynayso ama ay jeclaanayso waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso. Haddii aad doonayso inaad ka baxdo dhibka iyo walwalka hadda ku haysta waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso iyo waxaad rumaysantahay. Alle waynaha cirka iyo dhulka iyo inta u dhexaysa abuuray ayaa sidaas ka dhigay. Waa arrin Cilmiga iyo xikmadda Alle ku saabsan ee ma aha mala-awaal aadane iyo faragalin la faragalinayo xikmadda iyo maamulka Alle.
Sunday, March 10, 2013
Masuulka maanta – W.Q: Cabdiqaadir Sh. Maxamuud
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:01 AM

Thursday, March 7, 2013
Ha gaboojin naftaada - W.Q: Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:04 PM

Wednesday, February 27, 2013
Gayaan kala garasho duwan - W.Q: Muuse M. Ciise (Dalmar)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:28 PM
Ayaan waliba tilmaan lehe waxa ay ahayd sabti ulo badan. Waa hubaal in maalin waliba ayaantii Ilaahay tahay, laakiinse tani aniga waxa ay ii ahayd maalin amranayd. Waxa ay ahayd sabti tilmaaman oo Khadarkii nolosha ee aan muddoba raadinayay aan si dhib yar leh ula kulmay . Dadku kala nasiib badan oo waayaha iyo wakhtigaa ruuxna xidha qofna saacida’e, maalintani waxa ay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay buugga xusuus qorka noloshayda. Alla nasiib badnaayee. Oo waayo? Oo waayadeed, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada. Gaabsiguna waa xaaraane mid aad mustaqbal iyo guur ula holoto. Oo ileen nin faro madhani fariid maaha’e ay kuugu beeganto wakhti farahaagu dufan leeyihiin oo aad waysada u biyaysatay guur iyo inaad reer yagleesho.
Monday, February 25, 2013
Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:08 PM
Gaadiidka loo yaqaano Boodha-boodha
(dhug-dhuglayda), ayaa noqday ka loogu isticmaalka badan yahay dalka Uganda,
gaar ahaanna caasimadda Kampala, kaas si weyn uga caan ah gudaha dalkaas.
Adeegsiga mootada oo si xawliya ugu soo badanaysa Uganda, ayaa bulshweynta kala
duwan ee ku dhaqan dalkaasi si xaamiya u raacaan boodha-boodha oo u sahla in ay
si fudud u gaadhaan goobaha ay doonayaan in ay ka soo adeegtaan.
Sheeko Gaaban: Saxafigii Sannadka! W.Q: Saddaam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:23 PM
Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.
Transcript of Mary Harper interview with Somali president
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:48 AM
Dushaadu intee le’eg tahay? – W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:26 AM
Waa
kabkab aan isu soo ururshay, maaha qoraal shir ballaadhan la la tago. Yeelkeeda
ee ceesaantii ka soo qaad nin ba ceelka geyn jiray. Mawduucu waa ‘dusha’ iyo
ruux ba inta tiisu le’eg tahay, qaad leedahay aan idhaahdo.
Iga dul badan:
Goobtu
waa timoxiir Hargeysa ku yaalla. Aniga iyo nin aan timo lahayn oo aannu Liverpool
ka wada nimi ayaa muraad timoxiirka u yeelannay, timahayga inuu ii gaabsho ayaannu
ugu tagnay. Saddex nin ayaannu meheradda ugu tagnay, laba shaqaale ah iyo nin
macmiil ah. Ninka macmiisha ah waxa u soconayay timo jar.
Thursday, February 21, 2013
Qiimee qofkaaga - Somaliland: Qaran uu qof qiimeeyo : W.Q Xasan Cumar Hoorri
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:54 PM
"Kolba
dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub."James M. Buchanan
Jr.,1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta
Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha
iyo aqoonta siyaasadda.
Tuesday, February 19, 2013
Baro waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adigoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:30 PM

Saturday, February 16, 2013
Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:48 PM
Monday, February 11, 2013
Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:45 PM
Maalintii koowaad ee
Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa
ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay
“is-dhiibe
cusub”
oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee
isgaarsiinta ee
Internetka laga adeegsado ama
Teleefoonka laga dirsado, oo uu
wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo
qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay
goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu
wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd
qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay
Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo
ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba
dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar
ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa
ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo
isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in
ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay
warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado
waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.
Wednesday, February 6, 2013
Shaqo Runihi Waa Middaan kula Dhimanin - W.Q: Dr. Cali Sheekh
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:28 AM
Subscribe to:
Posts (Atom)